|

Dugsi kamida Dugsiyada Quraanka ee Hooyo oo laga furay Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo Nov 22,2014(SDN/QJ)-Jimciyada hooyo oo kashaqaysa Arimaha Khayriga ah ayaa xarun cusub oo lagu baranayo quraanka kariimka ah kafurtay xaafada garsoor ee magaalada galkacyo gaar ahaan agagaarka masjidka ramadaan.

Xaflad si wayn loo soo agaasimay ayna kasoo qayb galeen hugaanka jimciyada hooyo , maamulka mu asasada al, minhaaj , dhalin yaro haween iyo dhamaan qaybaha kaladuwan ee bulshada ayaa waxa lagu furay xarunta sagaalaad ee duagsiyada hooyo ee magalada galkacyo.

Kadib furitaanka Xalfada iyo Ayaadaha quraanka kariimka ah ayaa waxaa sheekh mustafe yuusuf c/kariim  uu bulshada kubaraarujiyay alle kacabsiga isagoo kawar bixyay wax qabadka xarunta samafalka hooyo iyo aasaaseheedii sheikh cali faarax alle ha unaxariistee waxuuna intaa kudaray in xaruntu ay kashaqayso arimaha khayriga ah sida barashada quraanka kariimka ah ogoonta naafada rajada iyo daryeelka bolshada

Sidookale waxa madasha kahadlay haweenkii kasoo qaybgalay waxayna sheegeen in ay soo dhawaynayaan xarunta kana qayb qaadanayaan dawrka kaga aadan isla markaana ay baraarujinayaan dhamaan haweenka xaafada ee daneenaya barasha quraanka kariimka.

Dhanka kale waxa madasha kahadlay Gudoomiyaha mu asasada al, minahaj maxamed siciid muuse  wuxuna tilmaaamay in ay tahay wax lagu farxo in uu sii socdo camalkii khayriga ahaa ee uu bilaabay sh cali faarax alle ha una xariistee wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay muhiim tahay in ay wax bartaan hooyooyinku sababtoo ah waa asasaka bulshada.

Sidaa silamida ayaa waxaa madasha kahadlay Macalin Xuseen oo kamida Macalimiinta Dugsiyada Hooyo  waxaana hadalkiiisa kamid ahaa: “shaqadani waa shaqo diineeed loona baahanyahay in lasii xoojiyo  lana tayeeyo aqoonto hooyooyinka”

Jimciyada hooyo ayaa waxaa ay ka hergalisay magaalada galkacyo xarumo lagu barto quraanka kariimka oo kala ah:

Xarunta Meesha ay ku taalo
1aad X,Garsoor  aaga Ibnu-Cabaas
2 aad X.Israac aaga Ceel-timir
3 aad X.Garsoor aaga Yameys School
4 aad X.Garsoor aaga  Nation link
5 aad X.Israac aaga Siinaay
6 aad X.Israac aaga Masjidka Salaama
7 aad X.Garsoor aaga Masjidka Shaafici
8 aad X.Garsoor aaga Masjidka Nasrullaah
9 aad X.Garsoor aaga Masjidka Ramadaan

 

Si kastaba ha ahaatee Jamciyada Hooyo ayaa waxaa ay halkeedii kasii wadaa kor u qaadidda Qur’aan iyo Daryeelka Bulshada kadib markii uu geeriyooday Alle ha unaxariistee Sh.Cali Faarax , waxaana la wada xasuustii Tartankii Qur’aan ee ay u qabatay Dugsiyada hoos yimaada ee Magacooda la yiraahdo (Hooyo).

 

Cumar C/xamiid Rashiid

Xafiiska Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Comments are closed