Guddidii Dhexdhexaadinta Khilaafka Wakiillada Somaliland Oo Maanta Laga Filayo Natiijo iyo Saadaasha Go’aankooda
Hargeysa:Nov,22,2014(SDN/QJ)-Guddida Dhedhexaadinta Khilaafka Gollaha Baarlamaanka Somaliland, ayaa maanta laga filayaa inay soo saaraan Natiijada Dhexdhexaadintii ay wadeen muddada Toddobada cisho ku dhaw oo Bulshadu si weyn u sugayso.
Guddidan oo uu Hoggaamiye u yahay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa lagu daminayey Khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Xubnaha Madaxtooyada ka shidaal qaata, kaas oo gaadhay heer shacabka qaarkamid ahi naftooda ku waayaan mudaharaaddo arrintaas lagaga soo horjeeday.
Xubnahan Turxaan bixiyayaasha ah, ayaa hore u qabsaday muddo laba cisho ah, waxase maalinimadii Salaasadii ina dhaaftay ay bulshada iyo dhinacyada is hayaba ka codsadeen in muddada loo kordhiyo, waxana muddadaas labaad ay ku ekayd maanta oo Sabti ah.
Kulamo gooni gooni ah ayey xubnahan dhexhdhexaadinta wadaa kula jireen Dhinacyada is haya, waxase wali aan muuqanin Astaamo muujinaya nidaamka loo dhameeyey khilaafkan, maadaama la arkayey inuu xalka arrintani si weyn u adkaaday.
Dhinacyada is haya ayaa wararka Qurbejoog.com, haysaa sheegayaan inay ku adkaysteen Mawqifyadooda, iyadoo Dhinaca madaxtooyadu dabada ja riixaysaa iska diideen inay u hoggaansamaan Heshiis hore Guurtida lafteedu usoo saartay oo ahaa inaan wax mooshin ah laga keeni doonin Gebi ahaanba shirguddoonka oo isku duuban.
Qoddobkaas ayaa ah midka uu Guddoomiye Cirro ku dhegsan yahay, isla-markaana ay Guddidani Meel ay ka maraan waayeen, waxase iska diiday Guddoomiye Baashe iyo Kooxda uu Hoggaamiyo oo dhaar ku maray inay Awooddooda adeegsan doonaan.
Turxaan Bixiya-yaasha ayaa la sheegay inay dhinaca Cirro ka codsadeen Tanaasul dheeri ah, maadaama dhanka kale waxba laga waayey, waxase uu Guddoomiyuhu ku andacooday inuu yahay qofka la dulmiyey ee lagu xad-gudbay, waxana ay taasi noqotay caqabadda ugu weyn ee Guddidan hortaagan.
Natiijada ayaa Maatan si weyn looga sugayaa Guddidda dhexdhexaadinta ku hawllanayd, lamana hubo waxa rasmiga ah ee ay soo saari doonaan, balse waxa jira war war ah inay soo saari doonaan Go’aamo u danaynayo dhinaca madaxtooyada, maadaama hore loo arkay arrimo badan oo uu Guddoomiye Saleebaan Gaal dhammaantood u xukumay dhinaca Madaxtooyada dalka.
Heshiiska arrintan laga gaadho ayaa waxa uu tiir-dhexaad u Noqon doonaa Nabadgelyada iyo deggenaanshaha somaliland oo dhawaan khalkhal galay, waxana laga filayaa dhinacii xukunku ku dhacaaba eegi doono danta guud ee qaranka somaliland.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com