Wasiir ay Madaxweyne Siilaanyo Hore Isku Seegeen Oo Xil Muhiim ah Ka Helay Beesha Caalamka
Brusels:Nov,22,2014(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa uu xil muhiim ah ka helay Ururrada Midowga Yurub iyo Afrika.
Maxamed Cabdilaahi Cumar oo xilligii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ahaa caan ku ahaa firfircooni dheeri ah iyo dardar dhinaca shaqada ah, ayaa haatan Ururradani u garteen inay ka dhigteen la Taliye dhinaca Xalifnta khilaafaadka siyaasiga ah ee ka aloosan qaar kamid ah waddamada Qaaradda Afrika.
Dr Maxamed C/laahi uu dalalka uu wakhtigan arrimahooda ka hawl-galayo waxa ka mid ah Koonfurta Sudan, Waqooyiga Suudaan, Nigeria, Congo, Somalia iyo Somaliland oo dhammaantood caalamku u arko inay ka aloosan yihiin khilaafyo siyaasi ahi.
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa Toddobaadkan uun dalka kusoo laabtay isagoo kasoo kicitimay Magaalada Nairobi oo haatan xuddun u ah Hay’ado badan oo caalami ah.
Masuulkani waxa uu Toddobaadyadii ugu dambeeyey Socaallo ku tegayey waddamo ku yaalla qaaradda Afrika oo haatan khilaafku kusoo badanayo.
Sidoo kale waxa isagan xilkan oo kale loo magacaabay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ethiopia Mr Seyoun Mesfin, kaas oo ay wada-shaqayn-doonaan wasiirkii hore ee khaarajiga Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar.
Dhinaca kale waa markii u horaysay ee xil sare oo noocan ah ay beesha caalamku u magacawdo muwaaadin ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland, isla-markaana xilal kasoo qabtay Xukuumad shacabbku soo doortay.
SDN/QJ