DAAWO:Hadaanu Nahay Xisbiga UCID Waxaan Dadweynaha U Caddeynayaa in wax la yidhaahdo Xildhibaan Wadani ma jiraan bedelkoodana waanu keenidoonaa
Hargeysa Nov 21,2014(SDN/QJ)-Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Maxamuud Cali Muuse Jiir ayaa shaaca ka qaaday in aaney jirin Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Wadani oo ka mida Gollaha Wakiilada Somaliland.
Xoghaye JiirĀ waxa uu sheegay in haatan xisbiga UCID diyaar u yahay in ay keenaan bedelka Xildhibaanada sida sharci daroda ah uga digo rogtay UCID, isla markaana waxa uu sheegay in bedelkaasi uu uGu horeyn doono Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Cirro.