Madaxweynaha Dalka Uzbekistan Oo Xabsiga Dhigay Gabadh Uu Dhalay Oo Dalkaas Caan Ka ah
Tashkent:Nov,21,2014(SDN/QJ)-Ciidamada ammaanka waddanka Uzbekistan, ayaa xabsiga dhigay Haweenayda uu ku curtay Madaxweynaha ee Lagu magacaabo Gulnara Karimovo.
Haweenaydan la xabisay ayaa da’deedu tahay 42-sano jir, waxana uu muddo badan buuq u dhexeeyey iyada iyo Qoyskeeda inta badan dalkaas ka talinayey, waxana lagu eedaynayaa inay noqotay shakhsi qalqaali ah oo ku dhaqaaqdo ficillo ka aan u qalmin qoyska dalka xukuma.
Haweenaydani oo laba jeer la furay oo Carmal ah, dhashayna gabadh kaliya oo 16-jir ah ayaa ku shaqaysata xayasiiska dharka Iyo dahabka.Gabadhani ayaa la isqabtay qoyskeega waxaana ay sheegtay in aabaheed amar duldhigay in la xidho, isla-markaana hooyadeed iyo gabadh kale oo ay walaalo yihiinna taageersan yihiin tallaabada lagu xidhay.
Kaligii taliyaha Usbakistan oo magacaiisa la yidhaahdo Islam Karimova ayaa 25-sano ee u dambeeyay ka talinayay dalkaasi, 75-jirkani ayaa la filayay in gabadhiisa wayn ee xabsi guriga gashay uu ku wareejinayo hogaanka dalka. Balse rajadaasi ayaa iminka isbedel laga muujinayaa.
Maalmo ka hor ayaa gabadha ugu da,da yar qoyska Madaxwaynaha Usbakistan ee Laila ay waraysi BBC ku sheegtay in dhibaato iyo colaadi ka dhextaagan tahay qoyskeega.
SDN/QJ