Sidee Caalamku U Arkaa Maamulka Somaliland Ee Waqtigan?
Hargeisa Nov 20.2014(SDN/QJ0Beesha caalamka ayaa mudadii ay Sonaliland jirtayba waxa ay xidhiidh dhaw oo wanaagsan la lahayeen kolba nidaamka talada dalka hogaankiisa haya. Wada shaqeynta Somaliland iyo duniduna waxa uu ahaa mid diiran oo maalinba maalinta ka dambeysa sii koraaya.
Hasayeeshee tan iyo intii uu madaxweyne Siilaanyo hogaanka u qabtay talada dalka waxa soo ifbaxayay calaamado xun xun oo muujinaya in shaki iyo dareen weyni galay beeshii caalamka. Taasina ay keentay kalsooni darro iyo aamin bax ay dunidu il gaar ah ku eegto Somaliland.
Walaaca beesha caalamka ee ku wajahan maamulka waqtigan ee Somaliland waxa uu keenay in hoos u dhacweyni ku yimaado sumcadii iyo sharafkii qadiyada Somaliland iyo icrtiraaf raadintii oo haatan god dheer ka shalwatay.
Dareenka shacbiga wadiniyadu dhiigooda raacday ayaa mudooyinkan dambe ah mid didsan oo indhaha kala haya, iyaga oo aad uga werwer qaba halka uu dalkoodii Somaliland ku sii socdo.
Geesta kale dowlada Somaliland ee uu Siilaanyo hogaamiyo ayaa wali faraha kula jirta siina wada tallaabooyinkii shakiga dhaliyay ee dimuqraadiyada ka soo horjeeday ee xoriyatul qawlka lidiga ku ahaa laguna cabudhinaayay.
Taas oo ay ugu danbeysay go’aamiadii foosha xumaa ee uu wasiirka warfaafinta C/aahi Cukise xalay fagaaraha lasoo istaagay. Tallaabooyinka caynkaasi ah waa kuwo xaalada sii xumeyn kara iyadoo aan ognahay in maanta ay halkii ugu hooseeysay mareyso rajadii shacbiga ee ahayd Somaliland madaxbanaan.
Sikastaba ha ahaatee waxaa jira aragtiyo badan oo kala duwan oo amuurtan la xidhiidha taas oo inta badan dadku ay isku raacsan yihiin wacyiga maanta.
Balse waxa ay ku kala aragti duwan yihiin sababaha ina dhaxalsiiyay ee inoo horseeday guul darrooyinkaasi.
Akhriste waxa aan kaa codsaneynaa in aad ra’yigaaga ku saabsan sababaha caalamku uga shakiyay Somaliland iyo sida aad u aragtaba noogu soo dirto emailkan.
SDN/QJ-Hargeysa