|

War Degdeg ah: Shacab Gadoodsan Oo Dhagaxaan Ku Weeraray Dahabshiil Bank Iyo Sababaha Keenay

Hargeysa:Nov,20,2014(SDN/QJ)-Shacabka Deggen Aqallada loo yaqaano Laynka Bilayska ee Badhtamaha Hargeysa, ayaa goor dhaweyd Weerar ku qaaday Daarta DAHABSHIIL Bank ee jaarka la ah, kadib markii Askari ilaallo u ahaa uu rasaas Oodda kaga qaaday  qaar kami ah dadkaas.

dercDhacdadan ayaa ka dambaysay  warar soo kordhayey oo uu Mulkiilaha Dahabshiil Group ku doonayey inuu meesha kaga raro shacabka deggen halkaas, isagoo ku andacoonaya inuu ka samaysanayo Goobo Parkin ah sida ay warar aanu Haynaaa sheegayaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saaka ay soo baxeen warar sheegaya in ciidanka Boolisku heleen amar ah in tiro ka mid ah dadkaasi si xoog ah meesha looga raro, waxana ay shacabkaasi ka gadoodeen arrintaas, balse waxa arrintu faraha ka baxday markii  Uu askari aqalka ilaalo ka ahaa oodda kaga qaaday rasaas dad si caadi  ah cabasho iskugu soo ururay taas oo keentay in markii dambe dadku dhagaxaan ku weeraraan dhismaha quraaradda ah ee Halkaas ka taagan.

proq

Dhaawacyo badan ayaa xagga dambe kasoo gaadhay aqalka, waxana goobta la keenay ciidamo tiro badan, kuwaas la doonayey inay xidhxidhaan dadka loo tuhmayo dhibaatada halkaas ka dhacday, waxana xabsiga la dhigay tiro dadkaas kamid  ahaa.

Aqalka Dahabshiil Bank oo muddo badan halkaas ka socday, ilaa iyo haatanna aan dhammaanin, waxana Mulkiiluhu u waayey goob  la dhigo Gaadiidka shaqaalaha Daartaas loogu talogalay, waxana ay xukuumadda isla garteen in dadkaas si xoog ah loogaga qaado dhulka ay deggen yihiin, si uu u helo goob Parkin ah.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed