Khudbadii Xildhibaan Dheeg ee Sallaxley iyo saameynta ay ku yeelatay Taageereyaasha Xisbiga UCID
Hargeysa Nov 20,2014(SDN/QJ)-Intii ka danbeysay khudbadii uu Xildhibaan Dheeg ka jeediyay magaalada Sallaxley ee uu ku sheegay in Bacdamaa Musharax Madaxweyne oo ka soo jeeda beesha Ciidagale aanu jirin in la taageero madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa waxa aan la maqal taageereyaasha uGu badan ee xisbiga UCID oo ka soo jeeda degaanada Koonfurta Hargeysa iyo Sallaxley oo hadalkaa naqdiyaya.
Dooda taageereyaasha UCID ee khudbadaa ku wejehan ayaa ku koobneyd uun in Xildhibaan Dheeg ka dhab waramay habkii ay beelaha Habar Yonis uga gaabiyeen taageero mug leh oo ay siiyaan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe doorashooyinkii madaxtooyada ee 2010kii.
Waxaana ay arintani dibeda u soo saareysaa gaabis dhanka taageerada ah oo ku yimaada xisbiga mucaaridka ah ee UCID iyo musharaxa madaxweyne Md Jamaal Cali Xuseen.
Guddoomiyaha xisbiga UCID oo aan looga baran ka aamuska dhacdooyinka siyaasadeed ee guud ahaan geeska ayaa lala yaaban yahay waxa uu ilaa iyo haatan isaga indho iyo dhego tirayo hadalka Xildhibaan Dheeg ee kala dhantaalaya tageereyaasha UCID.
Guddoomiyaha oo la wada ogsoonyahay in kasta oo aanu doorkan aheyn musharax ayaa laga yaabaa in xisbiga uu ku soo tabcay in aanu ka soo kaban wanjalka taaba galay ee Xildhibaan Dheeg.
Si kastaba ha ahaatee xisbiga UCID oo ku soo baxay kaalinta sadexaad Ayaan awoodin kala qeybsanaan ku timaada Taageereyaashiisa.
SDN/QJ-Hargeysa