|

Xulafadii Xukuumada ee Duulaanka ku aheyd Guddoomiyaha Wakiilada oo isku khilaafay sida ay u qeybsan lahaayeen kuraasta Shir Guddoonka

Hargeysa Nov 20,2014(SDN/QJ)-Xulafadii Muxaafidka aheyd ee dhawaanta bartilmaansaday Guddoomiyaha Wakiilada Somaliland oo mar rafiiq ahaayeen ayaa haatan ku kala tegay cida lagu bedelayo iyo cida ku-xigeenada u noqoneysa.

Guddoomiye Ku-xigeenka Wakiilada Md Baashe Maxamuud oo isku weedy xilka Guddoomiyenimada ayaa waxa soo shaac baxday in aaney Madaxtooyada Somaliland kursigaa la damacsaneyn isla markaana lala doonayo xubin ka culus oo ka soo jeeda Bariga Somaliland.

Sidoo kale Xildhibaan Waabeeye oo ay Guddoomiye Ciro isku beel yihiin ayaa doonayay in uu helo xilka Guddoomiyenimada ama ku-xigeenka, balse Madaxtooyada Somaliland ayaa ka doorbiday Xildhibaan Bukhaari.

Xildhibaan Waabeeye Ayaan ka qeybgelin kulankii dhawaanta lagu damcay in xilka looga qaado Guddoomiye Cirro, isla markaana waxa ay ilo wareedyo inoo sheegeen in Xildhibaanku sheegay in Madaxtooyadu balantii uga baxday.

Sidoo kale waxa iyaguna filayay in ay ka mid noqdaan Shir guddoonka Walkiilada Xildhibaanada gobolka Awdal iyo Xildhibaanada ka soojeeda degaanada Galbeedka Maroodijeex oo kolkii ay ogaadeen in aaney xilkaa heleen isaga baxay xulafadii Madaxtooyadu dabada ka riixeysay.

Madaxtooyada Somaliland oo sifo sharci ah oo fudud xilka uga qaadi kari laheyd ayaa ku fashilantay ujjeedadoodii kadib kolkii cid waliba ay iska dhex arki weyday qorshahooda mustaqbalka hoagaanka Wakiilada.

Fashilka siyaasadeed ayaa waxa loo aaneynayaa khibrad yarida dhalinta iyo haweenka isku urursaday Madaxtooyada Somaliland iyo shicibka oo ka daalay hagaardaamooyinka Xukuumada.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed