|

Mudanayaasha Baarlamaanka Ingiriiska Oo Fadhiyo Ka Yeelanaya Musuqmaasuq loo Jeediyey Dawladda Somalia

London:Nov,20,2014(SDN/QJ)-Wargeyska The Guardian oo kasoo Baxa Dalka Britain, ayaa shalay qoray warbixin dheer oo uu ku sheegay in xubnaha Baarlamaanka dalkaasi ay dhawaan dood ka yeelan doonaan Hub Somalia la siiyey oo qaramada Midoobay shaacisay inuu hab musuqmaasuq ah  ugu gacan galay Kooxda Al-shabaab.

sheewCaroline Lucas oo ah Xildhibaanad ka tirsan Xisbiga Green Party ee dalka Britain ayaa ku adkeystay Barlamaanka Britain bishan gudaheeda fadhi ka yeelan doonaan   Warbixin ku aadan ogaanshaha Dowladda Britain ee ku aadan  Musuqa loo jeedinayo Dowladda Federalka Somalia iyo Heshiisyadda dhinaca Shidaalka.

Masuulkan u hadlay Xisbiga Green Party ee dalka Britain,ayaa sidoo kale waxaa u carabka ku dhuftay in Kooxda QM ugu qaabilsan Kormeerka Hubka ee Somalia warbixinta ay soo saartay ay muujiyeen walaacyo ballaadhan oo la xidiidha musuqa ka jira dalka Somalia.

Dowlada ingiriiska ayaa waxaa ay hogaamineysaa wadamada dhaqalaha ku bixiya dib udhiska dalka somaliya,waxaana ay dooneysaa ogaashaha warbixinta gudiga xayiraadaha wadamada somaliya iyo Ertatea uqaabilsan QM.sidaa waxaa sheegtay gabadha Xildhibaanada ee  ka tirsan Xisbiga Green Party ee dalka Britain.

Afhayeenka xafiiska Foreign Office ee loosoo gaabiyo  (FCO),oo wargeyska uu xiganaayo ayaa waxaa uu dhankiisa uu sheegay in  baarlamaanka dalka ingiriiska arintan uu kusoo beegay xil dawlada somaliya lagu soo eedeyay in hubkeeda uu gacanta ugalo Xarakada Shaba bee dalka somaliya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed