|

Madaxweynaha Somalia Oo Iftiimiyey Xalka Kaliya Ee Lagaga Bixi Karo Khilaafka Jira Haatan

Copenhagen:Nov,20,2014(SDN/QJ)-Inkastoo shirka somalida uga furmay Copenhagen laga dareemayo khilaafka dhexyaalla madaxda somalida ugu sarraysa, isla-markaana ay beesha  caalamku muujiay Walaca ay arrinan ka qabto, haddana madaxweyne Xasan sheikh, ayaan taas wax weyn kasoo  qaadin.

ifeMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay wal walka Beesha Caalamka ka qabaan xiisada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya, isagoo cadeeyay in kala aragti duwanaanshaha taagan in lagu kala bixi doona sida hey’adaha sharciga ee dowladda.

“Waxaa laga hadlayaa mar walba waa siyaasad waa lagu kala aragti duwanaadaa hey’adaha sharciga wali howsha gacanta ayay ku hayaan, howshana waa mid Soomaali is kaleh, Soomaali ayay u taalaa inay xalisato, Beesha Caalamka ra’yi inay na siiyaan waaye, waxaana rajeyneynaa in wada hadal, is qanci iyo dimoqraadiyad ayaa lagu kala baxayaa”ayuu yidhi Madaxweynaha oo u muuqday mid ka sii madax adeygayay baaqa beesha Caalamka ee ahaa in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha sii wada shaqeeyaan, lana xaliyo khilaafka taagan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in arrinta ka jirta Soomaaliya aanay khatar weyn aheyn, isla markaana hal khatar ay qabaan oo ah Shabaab oo ay wali dagaal kula jiraan, waxaana uu xusay in aanay habooneyn in wixii is qab qabsi lala aado dibada, balse ay u taalo hey’adaha sharciga sida Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xukuumada sida uu sheegay.

 

Shirka Hiigsiga cusub ee ka furmay magaalada Copenhagen ayaa sida la filay dowladdaha aanay u sii dirin Madax sare, balse ay wakiilo ka socdaan, sida dalalka Yurub, waxaana dalalka Afrika ka socday Wasiiro arrimo dibadeed shirka ka qeyb galay.

Maanta ayaa la filayaa in shirka uu galo maalintiisa labaad, loogana hadlo aragtiyada beesha Caalamka ee ku aadan sidii Soomaaliya sanadka 2016 uga dhici laheyd doorasho xor ah, isla markaana dowladdu ay hirgeliso qorshayaasha hor yaala ka hor sanadka 2016.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed