|

Waxqabadka Dowladda Soomaaliya ee Usbuucii la soo dhaafay

Mogadishu– Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Hindise Sharciyeedka Xaquuqul Insaanka, fulinta mashaariicda horumarineed ee dalka, gar-gaar bani’aadanimo oo la gaarsiiyey Cadale iyo Baydhabo, Horumarka New Deal, xukuno lagu riday danbiilayaal, horumarka Isgaarsiinta dalka, horumarka waxbarashada dalka, horumarka warbaahinta dalka iyo Xasilinta Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Hindise Sharciyeedka Ka hortagga Xadgudubyada ka dhanka ah Xaquuqul Aadanaha ayaa yiri “Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadana ayaa 8dii November 2014 ku soo bandhigtay Muqdisho Hindise sharciyeedka ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah Arrimaha Xuquuqda Aadanaha sida kufsiga iyo tacadiyadaha kale ee loogeysanayo dumarka. Kulankan oo ay ka qeyb galeen wakiilo ka socday hay’adaha iyo khubarada dhanka sharciga qaabilsan, xildhibaano iyo qeybaha bulshada ayaa looga arrinsaday faa’iidada uu u leeyahay hindise sharciyeedka ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah beni’aadamka oo ay Wasaaradda Haweenka soo diyaarisay. Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka la dhibaateynayo wax laga qabto, waxa ugu horeeyo ee lagu daweyn karana ay tahay sharciga, waxaana xigi doonta sida sharcigan loo hirgelin lahaa marka labada gole ay ansixiyaan. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadana Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in wasaaradu ay soo diyaarisyey hindise sharciyeedkan si loo dhowro Xaquuqda Aadanaha isla markaasna looga hortago xadgudubyada ka dhanka ah beni’aadamka, sida kufsiga iyo tacadiyada kale ee loo geysto dumarka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey fulinta mashaariicda horumarineed ee Dalka ayaa yiri “Dowladda Federaalka waxey ku faraxsantahay in Dowladda Jarmalka ay weli u heyso deeq lacag dhan 38 milyan oo Euro oo ah lacag horey uga hartay deeq lacageed oo dowladda Jarmalka ay ugu yaboohday sanadkii 1979-kii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. 8dii November ayey Dowladda Jarmalka caddeysay inay dooneyso inay lacagtaas ku soo wareejiso Dowladda si mashaariic horumarineed loogu fuliyo. Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada, quburo la soo shaqeeyay dowladdii dhexe, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Jarmalka iyo maamulka Gobolka Banaadir. Wasiir ku-xigeen Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow oo sheegay in lacagtan lagu fulin doono mashaariicda wax soo saarka beeraha, biyo xireenada webiyada iyo dhismaha buundooyinka. Dowlada Federaalka ayaa diyaarisay guddi farsamo oo ka soo talo bixiya sida ugu habboon ee deeqdaas looga faa’iideysan karo.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey gargaar bani’aadanimo oo la gaarsiiyey Cadale iyo Baydhabo ayaa yiri “Dowladda Federaalka iyadoo kaashaneysa Hay’addaha Wacyigelinta Bulshada (C.C.A) iyo Zamzam Foundation ayaa 7dii November iyo 11kii November ay deeq gar-gaar bani’aadanimo gaarsiisey Cadale iyo Baydhabo. CCA ayaa deeq daawo ah gaar siisay dadka ku nool degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halka Zamzam ay 11kii November gar-gaar bani’aadanimo gaarsiisyey Baydhabo. Cadale ayaa 250 qoys ay ka faa’iideysteen deeq daawo ah oo maamulka degmada Cadale uu halkaas ugu qeybiyey dadkii u baahnaa daawada. Maxamad Ibraahim Cajiib oo ah guddoomiyaha Hay’adda Wacyi Gelinta Bulshada ayaa sheegay in deeqdaan ay u keenen shacabka reer Cadale ay ku soo beegantahay xilli ay baahiweyn u qabeen in la soo gaar siiyo muddo kadib markii laga dulqaaday cadowga Al-Shabaab. Guddoomiyaha degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Muxudiin Suudi Macalin ayaa ka codsaday in hay’adaha kale ay iyagana gar gaar la soo gaaraan shacabka deegaanka. Hay’adda Zamzam Foundation ayaa dad barakacayaal ah oo ku sugan magaalada Beydhabo u qeybisay raashin iyo Bacaha roobka laga galo 11kii November. Raashinkaan oo isugu jiray Bur, Bariis iyo Sokor waxaa loo qeybiyay 240 qoys oo ku sugnaa Baydhabo.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Horumarka Waxqabadka New Deal ayaa yiri “Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha C/wali Sheikh Axmed ayaa 10kii November ka qeyb galay Shir looga hadlayey horumarka barnaamijka Hiigsiga Cusub ee New Deal oo Muqdisho lagu qabtay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay Hirgalinta Baraamijka Hiigsiga Cusub iyo sidii Barnaamijka Dalka oo dhan looga hirgalinlahaa Sanadka 2016-ka. Shirkan ayaa hordhac u ahaa shirka Copenhagen ka dhici doona 19ka iyo 20ka November. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda C/wali Sheikh Axmed ayaa sheegay in Dowladu ay wax badan qabatay mudadii sanadka aheyd ee New Deal la dhaqangeliyey sida adkeynta Amniga, dhismaha maamulada gobolada dalka iyo arrimo kale. Danjiraha QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nikolas Kay ayaa sheegay in horumarkii labada sano ee la soo dhaafay loo baahanyahay in si wadajir ah loo sii joogteeyo, si hiigsiga 2016 uu u hirgalo.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Xukunno lagu riday danbiilayaal ayaa yiri “Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida ayaa 11kii Novmeber xukunno kala duwan ku ridday eedsanayaal ka tirsanaa ciidamada qalabka sida, kuwaasi oo ku eedeysanaa fal dembiyedyo kala duwan. Aadan Cabdi Ibraahim oo 24 jir ah oo dil u geystey askari ciidanka ka tirsan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah. Axmed-Nuur Guure “Dhuungooye” oo 21 jir ah ayaa loo heystay fal kufsi ah, waxaana marqaatiyaal kaddib ay Maxkamadda sare ee cidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo tixraacaysa xeer Madaxweyne lambarkiisu yahay (05) oo soo baxay 28-01-2014-ka, ku raacday xakunkii maxkamadda darajada koowaad oo ahayd dil toogasho ah. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in go’aanada Maxkamada ay caddeyn u tahay sida ay uga go’antahay in cid kasta oo fal dambi geysata la horkeenayo Maxkamadda oo la marsiiyo ciqaabta ku habboon. Dowladdu waa ay ka go’antahay cid kasta oo fal danbi kufsi ah ama dil u geysata muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay muteysanayaan ciqaab dil toogasho ah si loo joojiyo falalka kufsiga iyo dilka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka Isgaarsiinta dalka ayaa yiri “Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo mas’uuliyiinta shirkadaha Isgaarsiinta ayaa 10kii November kulan yeeshay oo lagu qiimeynayey horumarka Isgaarsiinta dalka. Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraahim ayaa ka warbixiyey go’aamadii ka soo baxay shirkii lagu qabtay South Korea. Labada dhinac ayaa is-dhaafsaday warbixino muhiim ah oo ku saabsan horumarka Isgaarsiinta iyo caqabadaha haysta Isgaarsiinta dalka. Wasaaraddu waxay shirkadaha uga mahadcelisey fulinta wajigii 1aad ee Isku xirka (Interconnection) ee dhexmaray shirkadaha waxaana shirkadaha lagu amaanay fulinta arinkaas iyadoo dhanka kalena wasaaraddu soo jeedisay in wajiga labaad oo ah in waddanka oo dhan la isku wada furo Khadka la guda galo. Wasaaraddu waxey shirkadaha ku wargalisey in wasiirku uu heshiis soo saxiixay ku saabsan in 8 waddan oo African ah oo dalka Soomaaliya kamid yahay ay isku wacaan qiimo jaban oo u dhigma midka waddan walba dhexdiisa isku Waco (Local Rate Roaming). Shirkadaha ayaa arintan soo dhaweeyey waxaana uu heshiiskan dhaqan galayaa Bisha December 2014. Waddamada heshiiskan ku jira waxay kala yihiin Soomaaliya, Kenya, Ethiopia, Djioubti, Ugaanda, South Sudan, Ruwaanda iyo Burundi. Wasaaradda iyo shirkaduhu waxey isla qaateen in wicitaanka lagu saleeyo Il-biriqsi (Second) oo qofwalba inta uu hadlo laga qaado. Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa wadday hawlo badan oo dib loogu soo nooleynayo adeegyada ay xukuumadda u heyso.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka waxbarashada dalka ayaa yiri “13kii November Wasiirka Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa sagootiyey 50 ardey Soomaaliyeed oo ku guuleystay Imtixaan ay u galeen Deeqo Waxbarasho oo ay dowladda Soomaaliya ka heshay dowladda Federaalka Itoobiya. Ardeyda loo qaaday dalka Itoobiya ayaa Jaamicad ka dhigan doonna magaalada Addis Ababa. Wasiirka Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa kula dardaarmay ardeyda inay ku dadaalaan waxbarshada ay fursada u heleen, isla markaana ay uga faa’ideyaan dalka iyo dadka, maadaama ay soo laaban doontaan iyagoo mutucalimiin ah. Sidoo kale ardeyda ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in dalka dibeddiisa ay Waxbarasho u aadan, isla markaana ay ballan qaadayaan in fursaddan ay sida loogu talagalay uga faa’ideysan doonaan. Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba ku dadaaleysay sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh, si ay dalkooda marka ay ku soo laabtaan ay u daboolaan baahida shaqo iyo waxbarasho ee dalka ka jira.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka warbaahinta dalka ayaa yiri “Waxaan 13kii November 2014 soo xiray tabar socday 5 maalmood oo Wasaaradaha Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banadir ay ku baranayeen xirfadaha warbaahinta, isku xirka, wada-shaqeynta iyo sidii istraatejiyad warbaahineed loo dejin lahaa oo suurto gelisa in hiigsiga 2016 uu noqdo mid hirgala. Siminaarka ayaa waxaa bixinayey khubaro dhanka warbaahinta ah oo ka socday hay’adda Albany ee dalka UK, waxaana maalgelinayay safaaaradda dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya. Waxaana ka qeybgalayaasha u sheegay inay muhiim tahay inay aqoonta ay kororsadeen loo baahan yahay inay gaarsiiyaan wallaalahooda Soomaaliyeed oo ay ku jiraan warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay. Tabarkan ayaa qeyb ka ah horumarka warbaahinta dalka oo ay Wasaarada Warfaafinta in mudo ahba waday sidii loo kordhin lahaa tayada iyo aqoonta dadka ka howlgala warbaahinta.”

Wasiirka Warfaafinta oo ugu danbeyntii ka hadlayey Xasilinta Muqdisho ayaa yiri “Hay’adaha amniga iyagoo kaashanaya shacabka Muqdisho ayaa howlgallo ay 13kii November ka sameeyeen Muqdisho waxa ay ku soo qabteen Hub, Gaadiid iyo rag looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen weerarradii magaalada ka dhacay. Howlgalkan ayaa ahaa mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayey goobo looga shakisanaa nabad diidka. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen shan ruux oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo gaadiid ay hay’adaha amnigu sheegeen in uu yahay kuwii lagu fuliyey weerarradii nabad darrada ahaa ee Muqdisho ka dhacay labadii maalmood ee 11kii iyo 12kii November, isagoo intaa raaciyey in howlgalka uusan weli dhammaan oo ay socdaan howlgallada inta degnaanshaha Muqdisho laga xasilinayo oo nabad diidku laga ilaalinayo in ay weerarro ka geystaan.”

Comments are closed