|

“Ninka Baashe La Yidhaahdo Oo Iska Awr-kiraale ah Oo Aan Leeyahay Qoladii Khaatumo Naga Qabta, ayaa la doonayaa….”Muj. Cali Gurey.

Hargeysa:Nov,16,2014(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Gurey ayaa sharraxaad ka Bixiyey ujeeddooyinka ay xukuumaddu ka doonayso Qalalaasaha ay ka waddo Golaha Wakiillada iyo cidda la doonayo in meesha la dhigto.

cali gurMujaahid Cali-gurey oo ka hadlay arrintan, ayaa farta ku fiiqay Halka loo socdo iyo cidda ay xukuumaddu la doonayso inay saarto Kuraasta laga kicinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Waxa uu  si gaar ah u weeraray Guddoomiye-ku-xigeenka  Koowaad ee Golaha Wakiillada oo ku tilmaamay nin aan dalka Lexejeclo ka lahayn, kaas, fuliya kaliya Waxyaabaha Madaxtooyadu soo farto,

“Ninkan Madaxtooyada laga soo diro ee isagoo Canada kasoo socda Xildhibaanka laga siidhigay ee la yidhaahdo Baashe oo iska Awr-kiraale oo halkan madaxtooyada wax looga soo sheegayo, dabadeedna ta lasoo yidhi samaynaya oo aan dalka dank a lahayn oo aan Leeyahay Qoladii Khaatumo naga qabta, ayaa Guddoomiye laga dhigayey Baa la leeyahay, in laga dhigana waan ogolahay laakiin Sifaha looga dhigayey ayaan diidanahay, Ku-xigeenna waxa la yidhi Cali-marreexaan halaga dhigo.”ayuu yidhi Muj. Cali Gurey.

Cali Maxamed Yuusuf, waxa uu ku canaantay Xubnaha Golaha Wakiillada  sida ay u wadaan Horumarkii dalkii iyo dabarka ay ku xidheen Dimuqraadiyaddii iyo Hannaanki sharci ee dalka.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dhimashada iyo dhaawac ka dhashay Hujuumka xukuumaddu ku qaadday Goobo dad shacab ahi ku Mudaharaadayeen, waxana uu shacabka  ugu baaqay inay Nabadoodda ilaashadaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed