Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Maraykanka “Somaliland Waxay Ka Gudbaysa Xadkii Lagu Unkay”
Washington 16.Nov 2014 (SDN/QJ)- Madaxa wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka u qaabilsan xidhiidhinta siyaasadda iyo ganacsiga mandaqadda beriga iyo badhtamaha Afrika Mr. Brian Phipps ayaa qoraal toos uu ugu diray xafiiska wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, wuxuu isagoo ku hadlaya magaca afka dawladda maraykanka canbaareeyey falalka ay xukuumadda Siilaanyo ku xidh xidhay weriyayaal bishani lagu jiro ee November, iyo cabudhinta xadka dhaaftay ee xukuumadda Siilaanyo kula kacayso warbaahinta madaxa bannaan.
Ambassador Phipps wuxuu qoraalkiisani ku yidhi “anigoo ka faa’iidaysanaya munaasabadda maalinta xornimada saxaafadda Somaliland ee 09 November, waxaan doonaya inaan xasuusiyo xukuumadda Somaliland falalka aadka u nasiib darrada ah ee aad ku xidh xidheen weriyayaal aan waxba gallabsan oo hawshooda gudanayey” ayuu ku yidhi qoraalkaasi Mr. Phipps madaxa xafiiska xidhiidhinta siyaasadda dawladda maraykanka u qaabilsan beriga Afrika.
isagoo qoraalka sii wada wuxuu ku yidhi “sidaad ka war qabtaan 30 bishii October waxaa xukuumadiinu ay xabsiga dhigtay Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka hawlgallaayey telefishanka HCTV, iyo Maxamed Xasan Sheekh oo ka hawl gallaayey telefishanka kale ee SOMSAT, waxaa kale oo isagana xabsiga aad dhigteen weriyaha kale ee u shaqeeya telefishanka HCTV Ifraax Xaaji Maxamuud Nuur, bishani November 4 teedii, waxaa intaasi raaca in gurigiisii laga saaray guddoomiyaha telefishanka HCTV Farxaan Xaaji Cali Axmed oo ah muwaadin u dhashay dalka maraykanka, waa wax aad looga naxo, una leh welwel weyn sida xukuumaddiinu ay u bartilmaameedsanayso xubnahani suxufiyiinta ah oo keliya hawshooda gudanaayey” ayuu ku yidhi qoraalkaasi Ambassador Phipps, qoraalkani oo loo diray sidoo kale nuqul ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland.
Qoraalka oo sii socda waxaa lagu yidhi “Waxaan doonaya inaan fursadani uga faa’iidayso inay Somaliland ku soo laabato jidkii wanaagsana ee loo sameeyey ee ahaa ixtiraamka dimuqraadiyadda, xorriyatul qawlka, iyo xorriyadda saxaafadda oo ah qodobo aas aasi ah oo ku duugan dastuurka Somaliland, waxaan si adag idiinka codsanayna inay xukuumaddinu ka laabato falalka cawaaqib xumadda idiin horseedi kara ee aad suxufiyiinta xorriyadooda uga qaadeen” ayaa uu ku soo gebo gebeeyey qoraalkani Ambassador Brian Phipps oo ah wakiilka dawladda maraykanka u qaabilsan arrimaha siyaasadda ee Beriga Afrika.
Nuqulka Qoraalka Af Ingiriis Ah oo ku socda Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland
Dear Minister Younis,
Reflecting on the occasion of Somaliland Media Day, November 9, I would like to bring to your attention the recent uptick in the arrests of journalists in Somaliland. As you are aware, on October 30 the Somaliland Government arrested two journalists, Mukhtar Nouh Ibrahim of Horn Cable TV and Mohamed Hassan Sheikh of SomSat TV, and another, Ifrah Haji Mohamed Nur of Horn Cable TV, on November 4. These reports combined with the alleged November 8 home eviction of Horn Cable TV’s owner, Farhan Haji Ali Ahmed, who is also an American citizen, is worrisome and could indicate that these individuals have been targeted by your government. I would like to take this opportunity to remind Somaliland of its commitment to democratic principles and a free press, enshrined in your constitution, and urge you to take appropriate action to reverse the current trend of intimidation against journalists.
Sincerely,
Brian Phipps