|

“Waxaa Muuqata in Xukuumada Maanta Joogtaa Ay Xalaashatey Daadinta Dhiiga Dadkii Doortey iyo Ku Xad gudubka Dhamaan Shuruucda Iyo Dastuur Dalka”Xisbiga Ucid

Hargaysa 16.Nov 2014 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa ku tilmaamay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo inay xalaashatay daadinta Dhiiga dadkii soo doortay, kadib markii ay Shalay  dad rayid ah ku dishay Magaalada  Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer,kuwaas oo mudaharaad ay kaga soo hor-jeedaan xilka qaadista Guddoomiyaha Golaha Wakiillada sameeyey, isla markaana waxay cambaareeyeen xadhiga xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland.

ucidXisbiga UCID waxa uu sidaa ku sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse oo nuqul ka mid ah uu caawa soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com ee Magaalada Hargeysa.

Waxaanu warsaxafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan:

“Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa  uu War Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xabada,Xadhiga  iyo Cago_Jugleynta Loo Gaystey Xildhibanada,Saxaafada Madaxa Banaan Iyo Shacbiga Somaliland ee Maanta Lagu Gumaadey Gobolada Togdheer,Sanaag iyo M.Jeex.

Sidaa awgeed Waxaa Muuqata in Xukuumada Maanta Joogtaa Ay Xalaashatey Daadinta Dhiiga Dadkii Doortey iyo Ku Xad gudubka Dhamaan Shuruucda Iyo Dastuur Dalka JSL.

Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa uu Cod dheer iyo Cod gaabanba Ku Canbaareynayaa Dhacdadaa Foosha Xun Ee Ugubka ah Isla Markaana Arxan Darada ah Ee Ceebta Ku ah Qaranka Somaliland (in La Xidh_Xidho Xildhibaano La Soo Doortey Xasaanadna u Haya Qaran JSL Iyo Saxaafada Madax_Banaan Ee S/Land )

Ugu danbeyntii waxaanu Xukuumada ugu baaqeynaa iney si deg deg ah Xoriyadoodii u soo celiso Xildhibaanada,Saxaafadda, labada Xisbi Mucaarid dadka ka xidhan Iyo Dhalinyarada  Guryahooda ugu dhacdey RRU-du,waxay Ku haysatana Aan La Garaneyn”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed