|

Fadhigii Baarlamanka Somalia oo Fashilmay,Gudoomiye Jawaari oo isaga cararay iyo Mudanayaasha oo ka dhex Heesay DAAWO

Muqdisho 15.Nov 2014 (SDN/QJ)- Fadhigii Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Sabtidii maanta, ayaa maalintii labaad ku dhammaaday Buuq, Qaylo iyo Saxan Xildhibaannada taageeran Raysal-wasaaraha Xukuumaddu ku hor-istaageen Mooshin ka dhan ah Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh oo ay dhawaan soo gudbiyeen Mudanayaasha taabacsan Madaxweynaha oo khilaaf ba’ani ka dhexeeyey dhawrkii toddobaad ee u dambeeyey.

Buuqa, Qaylada iyo Dhawaaqyada dhaadheer ee ay guda-galkii fadhiga maanta ee Baarlamaanka ka bilaabeen Xildhibaannada diiddan Mooshinka laga keenay Raysal-wasaaraha, ayaa sababay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof: Maxamed Cismaan Jawaari iskaga baxo Fadhiga, ka dib markii ay Xildhibaannadaasi waxba ka dhegaysan waayeen Guddoomiyaha oo intii hore oo dhan isku dayey inuu dejiyo xaaladda ka is-taadhantay fadhiga Sabtida maanta ee Golaha Shacabka.

Haddaba, Fadhigaas iyo sidii uu ku bilaabmay iyo sida uu ku dhammaaday waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan. Muuqaalka dushiisana ka dhegeyso Codka Fadhigaas maanta.

Comments are closed