Guddoomiye Saleebaan Oo Goor dambe isa Soo Canaantay, Fadhigii Mu’aamaradaysnaa Ee Saakana Joojiyey
Hargeysa:Nov,15,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa saaka Baajiyey Kal-fadhigii Golaha Wakiillada oo la doonayey in xilka Lagaga qaado Guddoomiye Cirro oo Xukuumaddu u malcuunsan tahay.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay wehelinayaan Tiro ka tirsan Golihiisa Wakiillada, ayaa saaka soo galay Madashii Fadhiga Wakiillada, waxana ay codsadeen ina dhegaysto, isla-markaana la baajiyo Kulanka la doonayo in meesha lagaga saaro Guddoomiye Cirro.
Fadhiga Saaka oo Guddoomintiisa uu la wareegay Baashe Maxamed, ayaa uu Guddoomiye Saleebaan Kala Kulmay Cadaadis badan, waxana uu Baashe isku dayey inuu sii wato Guddoominta Golaha, isla-markaana la meelmariyo Ujeeddada Kulanka oo ahayd in Guddoomiyaha Golahaas meesha laga saaro.
Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka diiday Soo jeedintii Baashe,, waxana uu si khasab ah kusoo galay Golaha, isagoo Mudanayaashii Muxaafidka ahaa ku qanciyey in laga fiican yahay tallaabada ay ku socdaan, taas oo ay markii dambe garwaaqsadeen.
Saleebaan Maxamuud waxa uu markii dambe ku guulaystay inuu Mudanayaashii Halkaas fadhiyey ku qanciyo in dib loo dhigo fadhiga Golaha muddo laba maalmood ah, waxana uu ku Ballan qaaday in guurtidu keeni doonto Xal meesha lagaga saari khilaafka jira.
Fadhiga saaka oo warbaahinta Madaxa Bannaani dibad joog ka ahayd, ayaa waxa la sheegayaa inuu kooramm la’aan la buuxsami waayey, waxana muddo badan la sugayey xildhibaanno Buuxiya, balse Markii dambe waxa la helay Tiro afartan ku dhaw, taas oo Guddoomiye Baashe ku sheegay mid buuxisay kooramkii loo baahnaa.
Mudanayaasha Muxaafidka ah ayaa si weyn uga cadhooday tallaabada uu Guddoomiye Saleebaan ku baajiyey Ujeedadii ay lahaayeen, waxana Kooxda aadka u cadhootay kamid ahaa Guddoomiye Baashe iyo Cali-marreexaan oo iyagu ahaa badhtilmaameedka dagaalka ka dhanka ah Guddoomiye Cirro.
Xaaladda dalka ayaa gebi ahaanba kacsan, waxana baajinta Fadhigaas saaka ay hoos u dhigtay xaraaraddii kacsanaanta ee shacabka, waxana joogsaday Mudaharaadyo dalka meelo kamid ah ka dhacay.
SDN/QJ