|

Akhri Magacyada 5-Xildhibaan Oo Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa:Nov,15,2014(SDN/QJ)-Ciidanka Argagixiso la dirirka ee RRU-da loo yaqaanno ayaa maanta xabsiga dhigay 5-Xildhibaan Ka Tisan Golaha Wakiillada, kuwaas oo taageersan Guddoomiyaha Xisiga Waddani oo saaka ka Biyo Diiday Tallaabada Xukuumaddu kula wareegtay Xarunta Golahaas.

ina iniShanta Xildhibaan oo ka hor intii aa xidhin warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Golahoodii lagu soo duulay, isla-markaana xukuumaddu si xoog ah kula wareegtay.

Shanta mudane ee Xidhan ayaa kala ah Xildh. Siciid Cilmi Roobe, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibaan Naasir Cali Shire, Xildhibaan Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan  Xasan Jaamac Aadan, waxana ay dhammaantood ku jiraan Xarunta CID-da.

Mudanayaashan la xidhay, ayaa la qabtay xilli ay ku jireen xaalad caadi ah, waxana ka hor intii aan la xidhin ciidanku ku fureen Rasaaas Nool nool aan waxba yeelin, balse la dulmariyey.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliadiasporanews.com

Comments are closed