Gudoomiye Cirro oo ilaalo gaar ah ay weheliso iyo ciidamada RRUda oo saaka ku kala caf qaaday xarunta Wakiilada
Hargeysa Nov 15,2014(SDN/QJ)-Kulan manta lagu waday in uu ka dhaco baarlamaanka Somaliland Ayaan sidii loogu talogalay u qabsoomin ka dib kolkii goobta ay ka soo xaadireen ciidamo ay halkaa geysay xukuumada iyo ilaalo la socotay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Xildhibaanada mucaaridka iyo Guddoomiyaha Gollaha wakiilada oo ay weheliyaan ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaaney u suurto gelin in ay iska xaadiriyaan guddaha hoolka kulamada Baarlamaanka.
Arinta ayaa waxa loo aaneynayaa in ay ka dhalatay ka dib cabsi ka dhalatay in ilaalada iyo ciidamada dawladu ay isku dhacaan.
Sidoo kale xildhibaanada Mucaaridka ayaa sidoo kale caqab kala kulmay in ay guddaha u galaan Baarlamaanka Somaliland.
Xildhibaanada Muxaafidka oo maleegaya xilka xayuubin ayaa saaka ku keliyeystay guddaha baarlamaanka Somaliland.
Ma aha markii u horeysay ee xildhibaanada baarlamaanka oo kala taageeraya madaxtooyada iyo guddoomiyaha Wakiilada ay khalkhal geliyaan habsami u socodka hawlaha Baarlamaanka iyo amniga caasimada.
Horaantii sanadkan ayay aheyd markii ay Gollaha Guurtidu farogeliyeen khilaaf Wakiilada oo salka ku hayay hoos u dhigida awoodihii ku xigeenada Gudoomiyaha.
Xaalada Hargeysa ayaa kacsan waxaana wadooyinka la dhigay ciidamo faro badan, ilaa iyo haatana ma jirto cid u kala dab qaaday labada dhan ee is haya.
SDN/QJ-Hargeysa
contact@qurbejoog.com