|

“400- askari ayaa Barlamaanka loo diyaariyey si hawlgal Inqilaab ah oo loogu talo galay inuu Baarlamaanka ka dhaco lagu fuliyo, waxa kale oo la Go’aamiyey in Afarta Habeenimo Wixii ka bilaabma” Guddoomiye Cirro

Hargeysa:Nov,15,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa xalay saqdii dhexe ka Hadlay Tallaabo xukuumaddu si awood ah ugula wareegtay Golihii iyo dabino la maleegay si meesha looga tuuro Guddoomiyenimadiisa.

cirrrrrrroGuddoomiye Cirro oo goor dambe oo xalay ahayd la hadlay Warbaahinta, ayaa caddeeyey in ciidan aad u tiro badan la dhoobay Xarunta Golaha, waxana uu xusay in ay ku hoos jiraan shirqoolo kale oo la doonayo in Golaha lagula wareego.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay xukuumadda iyo taliska ciidanku baalmaray hannaankii sharci ee ciidanku isku beddeli jirey, waxana uu tilmaamay in aan waxba lagala socodsiinin ciidanka la isku beddelay

“Intii aan Maqnaa waxa dhhacday in ciidankii Golaha Joogay la Beddelay oo ciidan cusub oo ana Goluhu ogayn la keenay, ciidankaasi waxay ahayd in haddii la keenayo in masuuliyiinti Golaha lagu soo wargeliyo, beryahanna waxan ka warqabnay in ciidamo si qaldan loo isticmaalo oo dadka shacabka, saxaafadda iyo madaxda axsaabta loo adeegsado, iyadoo Hawlo kale loo samaytay oo ay kamid tahay Argagixisadu.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiyuhu waxa uu shacabka u sharraxay sida ciidankii dalka oo dhan xukuumaddu  wadooyinka Hargeysa ugu soo saartay iyo Ujeedooyinka la doonayo in ciidanku ka hirgeliyaan Xarunta Golaha Maanta, waxana uu yidhi,

“Caawa(xalay) markii aan imi waxa la ii xaqiijiyey in ugu yaraan 400- askari oo badidoodu ku jiraan kasoo horjeedka Barlamaanka  la diyaariyey si hawlgal Inqilaab ah oo loogu talo galay inuu Baarlamaanka ka dhaco lagu fuliyo, waxa kale oo la Go’aamiyey in Afarta Habeenimo Wixii ka bilaabma dhamaan Waddooyinka soo gala Golaha Wakiillada la xidho si looga horjoogsado  in shacabka doonayo inay dareenkooda muujiyaan iyo in loo diido xildhibaanada intii aan doonayn lagana horjoogsado, Waxa kale oo wararku sheegayaan in xataa Askarta ila socota aan la ogolaan doon inay Golaha galaan,”

Waxa uu carrabaabay muhiimadda uu qaranka u lahaa Heshiis hore Guurtidu ugu kala dhigeen Khilaafkii shirguddoonka, waxana uu tilmaamay in iskudaygani uu halis ku  yahay heshiiskaas hore, waxana uu yidhi,

“Waxa Loogu talogalay in Mooshin la keeno, waxaa ka warqabteen Heshiis Guurtidu  ku dhexdhexaadisay Golaha oo ahaa inaan Mooshin la keenin Golaha inta Muddo-xileedkani dhamaanayo, taasina waxay jabinaysaa Heshiiski Guurtida oo Buri doona Haddii taas la keeno.”

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa caddeeyey in lexejeclo badani ka Hayso qaranka, isla-markaana ay isaga muhiim u tahay qaranimada dalku, isagoo shacabkana u soo jeediyey inay taageeradooda saaka muujiyaan,

“Wadanka Lexejeclo badan baa iga Haysa, kursiga aan ku fadhiyana waxa igala qiimo badan Qaranka, in xukuumaddii amniga inooga masuulka ahaydna inay amnidarro keento waa nasiib darro, shacabkana waxan u soo jeedinayaa inay taageeradooda iyo dareenkooda isla garab taagaan Golaha.”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed