|

Xubnaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Kaga Jira Beesha Habar-yoonis Oo Shir Albaabadu u Xidhan yihiin ku Leh Hargeysa iyo Wasiir Waran-cadde Oo Looga Dhaartay

Hargeysa:Nov,14,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka aanu Ka Helayno Hutel Kaah ee Magaalada Hargeysa, waxa Maanta Kulan Qado ah iskugu yimi Haldoorka, Madax-dhaqameeda, wasiirrada iyo Xubnaha kaga jira Golayaasha Baarlamaanka iyo Guurtida, waxana Kulankaas lagu lafoguray KHilaafka ka taagan Aqalka Wakiillada somaliland.

bilaaKulankan oo ah mid  qarsoodi ah, isla-markaana uu soo Abaabulay Suldaanka Guud ee Beesha Habaryoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, ayaa waxa uu ku casuumay dhammaan Wasiirrada, wasiir-ku-xigeenada, xubnaha Baarlamaanka iyo Guurtida ugu jira Beeshaas, waxana  ay si wada jira ah ugaga wada Hadleen Tallaabada xukuumaddu meesha kaga saarayso Guddoomiyaha Wakillada oo isla beesha kasoo jeeda.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Suldaanka Guud ee Beeshu uu wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waranc-cadde uga dhaartay fadhiga, maadaama  beeshu aqoonsan tahay inuu ku foogan yahay Dagaal iyaga ka dhan ah, isla-markaana uu noqday shaabuug Xukuumaddu ku ciqaabayso beesha oo iyadu gucle ugu jirta sidii ay Hoggaanka dalka u qaban lahayd.

Suldaanka Guud ayaa la sheegayaa inuu Wasiir warancadde u diray Fariin ah inaanu iman Karin  kulankaas, isla-markaana aan loo baahnayn inuu yimaaddo Goobta lagaga tashanayo wixii laga yeeli lahaa Dagaalka Madaxtooyada oo la aaminsan yahay in xubno beesha ah oo uu wasiir Warancadde kaw ka yahay ay Food saaro u yihiin.

Kulankan ayaa la sheegayaa inay qayb ka ahaayeen wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir oo isagu ah xubin caan ku ah Taageerada Kulmiye, waxana uu Wasiirku halkaas ka sheegay inuu jecel yahay fulinta Siyaasadda xukuumadda uu ka tirsan yahay, balse aanu jeclayn in gardarro loola tago Guddoomiye Cirro oo qaylo-dhaan u dirsaday Beeshiisa.

Kulankan ayaa lagaga dhawaaqay inay Beesha oo ay kaw ka yihiin siyaasiyiinteedu si buuxda u taageerrsan yihiin Baaqii uu Suldaanka Guud soo saaray, waxana xubnaha madaxtooyada xidhiidhka dhaw la leh ay ballan qaadeen inay baajin doonaan Hujuumka xukuuumaddu ku Hayso Guddoomiye cirro, isla-markaana ay diyaarin doonaan jawi  sahlan oo keeni kar in xal wixii maqan lagu raadiyo.

Gebagebadii waxa shirkan hormoodka Beeshu iskula garteen inaanay aqbali doonin Gulufka Madaxtooyadu ku Hayso Golaha Wakiillada, waxana xubnaha xukuumadda Beesha kaga jira la faray in ka hawl galaan sidii arrinta dhulka loo  dhigi  lahaa.

Kulankan ayaa kusoo gebogeboobay jawi deggen, waxana lagu kala dhaqaaqay in laga siman yahay ka hortagga tallaabo kasta oo Guddoomiyaha Wakiillada meesha lagaga saarayo, waxana la is faray in laga warsugo xubnaha xukuumadda la shaqeeya ee Beesha ka tirsan.

Warka aanu Haynaa ma uu xaqiijin inuu Guddoomiye Cirro Goobta Joogay, waxase aanu Haynaa in Xubnaha Xildhibaanada ah ee Xisbiga waddani Hormoodka ka ah oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Xoog ay halkaas fadhiyeen.

Sudlaanka Guud ee Beelaha Habar-yoonis Sudlaan Maxamed Suldaan xirsi-qani, ayaa xalay soo saaray Qoraal dheer  oo ka kooban lix qodob, waxana uu Madaxweyne Siilaanyo dareensiiyey in dawladnimada ka sokow ay somaliland ku dhisan tahay Hannaan Beeleed, sidaa darteedna Beeshiisu mudan tahay in Laga Ixtiraamo Booska  Saddexaad ee ay ka Hayso Dalka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed