Kenyan Airways Oo Soo Bandhigtay Khasaare Ku Habsaday Oo Gaadhay 10-Bilyan Oo shillin
Nairobi:Nov,14,2014(SDN/QJ)-Shariikadda Diyaaradaha ee Kenyan Airways, ayaa Baahisay Khasaare laxaad leh oo soo gaadhay, kaas oo lagu qiyaasay ilaa iyo 10-Bilyan oo shilinka dalka Kenya ah.
Qiimeyntan la sameeyay ayaa ah mudo sanad badhkiis ah, oo ku dhamaatay bishii September ee sanadkan 2014-ka.
Masuuliyiinta Shirkadan ayaa sababta keentay hoos u dhacaan ku go’aamisay amaan darada kusoo kordheysa wadamada Gobolka iyo duulimaadyadii ay ku tagi jirtay wadamada Galbeedka Africa ee uu ku dhuftay Ebola.
Hoos u dhacan ayaa soo bilowday markii uu sanadki hore dab xoog leh ka kacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, kaasoo qeystay qasaare lixaad leh.
Arintan ayaa lagu dhawaaqay shalay oo Khamiis ah, xili la sheegay in ganacsiga shirkada ay saameyn xoog leh ku yeesheen rakaabkii iyo macaamiisha ku xidhnaan jirtay oo yaraaday.
SDN/QJ