|

Islamiyiinta ISIS iyo Al Nusra oo heshiis gaaray iyo walaaca kooxaha ka soo horjeeda

Aleppo Nov 14,2014(SDN/QJ)-Hogaamiyeyaasha kooxaha Islamiyiinta ee ISIS iyo Al Nusra ayaa la sheegay in ay isku afgatrteen in ay meel uga soo wada jeestaan reer Galbeedka iyo dawlada Syria.

Kulanka oo ka dhacay magaalada AAtareb bishan labadeedii ayaa wax aka soo shaqeeyay kooxo kale oo igau isu xilqaamay in la mideeyo awooda Islamiyiinta Syria.

Al Nusra oo ka mida dalada Al Qacida ayaa sidoo kale waxa ay ka mid ahaayeen kooxaha ka soo horjeeda xukuumada Syria ee ay reer Galbeedku taageeraan.

Labadan kooxood ayaa la sheegay in ay u midoobayaan kooxaha ka dagaalama Syria ee aan Islamiyiinta aheyn iyo reer Galbeedka.

Labada dhan ayaa si gaar ah ugu heshiiyay sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen kooxaha Kurdiyiinta eek a dagaalama dalka Syria.

Ma cada in ISIS iyo Al Nusra aya midoobayaan waxaase la sheegay in haatan ay isla qaateen in la joojiyo colaadaha u dhexeeya lana iska kaashado kooxaha kale sidii meesha looga saari lahaa.

Reer Galbaeedka ayaa mudaba ku taamayay in la mideeyo dhinacyada qunyar socodka ah eek a soo horjeeda xukuumada Syria.

Kulankan labada dhan lagu dhex dhexaadiyay ayaa wax aka qeybgalay kooxo Islamiyiin ah oo ka kala yimi Afganistan, Bakistaan iyo Syria.

SDN-Aleppo

 contact@qurbejoog.com

Comments are closed