Denmark oo Ku Baaqday inay Joojisay Shirkii Dhaqaale Uruurinta Somalia
Copenhegan 13.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Denmark ayaa sheegtay inay joojisay shirkii New Deal ee ka dhici lahaa magaalada Copenhegan ee mudada labada maalin ah, kaasi oo looga hadlayay hiigsiga cusub ee Soomaaliya isla markaana ay ka soo qeyb geli lahaayeen dalalka beesha caalamka.
Dowladda Denmark ayaa sheegtay in shirkaasi sababta loo hakiyay ay tahay khilaafka madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo sida aanay diyaarka ugu ahayn in dalka Soomaaliya laga taageero sidii uu ku gaari lahaa doorasho xor ah.
Shirka Copenhegan ka dhici lahaa ee la joojiyay ayaa waxaa kulan ku yeelan lahaa Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socda qurba joogta Soomaaliyeed, hase yeeshee shirkaasi ayaa guud ahaan lagu taageerayaa dib u dhiska, ammaanka iyo horumarka dalka Soomaaliya.
Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dowladda Denmark ayaa waxaa kale oo lagu sheegay inay joojisay gebi ahaanba madaxdii lagu martiqaaday ee iyagu ka socday dowladaha caalamka.
Dhinaca kale joojinta shirka Soomaalida ee Dowladda Denmark ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Dowladda Mareykanka sheegtay inaysan ka qeyb galeynin shirka ka dhacaya magaalada Copenhegan ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya
Copenhegan SDN/QJ
contact@qurbejoog.com