Shirqoolo ku halis ah qabsoomida Doorashooyinka oo Xukuumadu dabada ka riixayso+ Ansixintii Komiishanka oo Beri Mar kale baaqan doonta iyo Walaaca Sii Kordhaya
Hargaysa 14.Nov 2014 (SDN/QJ)- Iyadoo loo balansan yahay Sabtida soo socota in Golaha Wakiiladu ansixiyo Komishanka cusub ee Doorashooyinka, isla markaana laga filayo Golaha Guurtida inay iyaguna dhinacooda naaqishaan, siina daayaan xeerka diiwaangelinta, ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sii hurinaya khilaafkii u muuqday in laga soo gudbay, kaasoo caqabad hore leh ku noqonaya geedi socodka doorashada.
Sagaalkii bishan khudbad dheer oo Madaxweyne Siilaanyo warbaahinta u mariyay dadweynaha wuxuu ku sheegay, in degdeg loo ansixiyo Komishanka Doorashooyinka, isla markaana wuxuu ku caddeeyay in ay doorashadu ku dhacayso xiligeedii, taasina waxay ka turjumaysaa oo loo dhandhansaday, inay tahay badheedha cad oo Madaxweynuhu ku muujiyay inay doorashadu dhacayso.Sidaa darteed waxaa la filayay in khilaafkii dhamaaday jidkii doorashadana la wada qaaday. Hase-yeeshee sida ay tibaaxeen xogo uu Wargeyska Ogaal ka helay ilo war galeen ah, waxaa guriga Madaxweyne Ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ka dhacay shir ay ku kulmeen xildhibaano Golaha Wakiilada ka tirsan iyo xubno golaha wasiirada ka tirsan.Xoguhu waxay intaa ku dareen, in shirkaa la iskula soo qaaday oo lagaga wadahadalay sidii laga yeeli lahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo haatan ay u arkaan mid halis badan ku haya tiqada taageerada xukuumada loo hayo oo sii diciifaysa.
Illahaasi waxay intaa raaciyeen, inay dhinacyadaasi is tuseen inay lagama maarmaan tahay, in Gudoomiye Cirro laga qaado xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, si taasi u suuro gashana, lagu oogo mooshin maamuus ka xayuubin ah maalinta sabtida ah ee soo socota. Xildhibaanada muxaafidka ah qaarkood iyo wasiiradda xubno ka mid ahiba waxa la sheegay, in ay arrintaa ka gows adaygeen markii hore oo ay u arkeen mid khatar iyo kala daadsanaan hor leh keeni karta, hase ahaatee waxay xoguhu tibaaxeen, in markii dambe badi ka qaybgalayaasha shirku ay isla waafaqeen in aanu jirin xal kale oo ay kula dagaalamaan, sidaa awgeedna ay isla qaateen hirgalinta mawduucaa, qorshihiisa iyo sidii loo ururin lahaa xildhibaanada loona diyaarin lahaana ay dejiyeen, oo laga shaqayn doono inta ka horaysa subaxa Sabti. Xogaha wargeyska Ogaal soo gaadhay waxay inta ku ladheen, in la diyaariyay dhaqaalihii ku bixi lahaa ee ay ugu talo-galeen kasbashada codadka loo baahan yahay, iyadoo tibaaxuhu tuhunsan yihiin in marka hore qaab qabiil qolo walba xildhibaanadeeda gaar loo soo diyaariyo , kadibna wadartooda la isu geeyo.Xoguhu waxay intaa raaciyeen, in sidaa loo yeelayo qancinta xildhibaanada iyo xubnaha xukuumada ee saluugsan qorshahaa.
Golaha Guurtidu khilaafkii kal hore ka dhex dilaacay Golaha Wakiilada, kadib markii hoos loo dhigay codadka xilka lagaga qaadi karo Gudoomiye ku-xigeenada golaha ee laga dhigay 42 cod, waxay ku soo afjareen qaraar laba qodob ka koobnaa, oo mid ka mid ahi dhigayay in shirgudoonka codadka xilka lagaga qaadi karo laga dhigo dhamaantoodba 42 cod iyo in aan mudo xiligeedka u hadhay Golaha Wakiilada la keeni Karin golaha mooshin xilka lagaga Xayuubinayo Shirgudoonka. Qaraarka ka hor labada gudoomiye ku xigeen tirada codka ay xilka ku waayi karaan wuxuu goluhu ka dhigay 42 cod, balse gudoomiyaha lagama dhigin 42 cod oo cod looma qaadin.
Hase ahaatee, sida xogaha wargeyska Ogaal soo gaadhay tibaaxayaan, kulanka ka dhacay Guriga Madaxweyne ku-xigeenka, waxa la iskula qaatay in mooshinka maamuus ka xayuubinta Gudoomiyaha loo adeegsado qodobka hore ee qaraarka Guurtida, ee dhigaya in saddexdoodaba 42 cod laga dhigo tirada codadka ay kalsoonida ku waayi karaan, isla markaana ay gees maraan qodobka labaad ee xarrimaya mooshinka maamuus ka xayuubinta shir gudoonka.
Inkastoo xogaha ilahaa laga soo xigtay ay sidaa sheegayaan, hadana, ma jiraan warar madaxbanaan oo si toos ah uga soo baxay dhinacyadaasi.Laakiin xogaha wargayska Ogaal ka soo xigtay illahaas waxay sheegeen, in kulankaa uu gudoominayay Madaxweyne ku-xigeenku Cabdiraxmaan Saylici, wasiirada ka qaybgalayna ay ka mid ahayeen; Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan, Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdi Aw-Daahir iyo Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil.
Dhinaca xildhibaanadana waxaa la sheegay inay ka mid ahayeen; Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, Xildhibaan Saleebaan Bukhaari,Xildhibaan Ibraahim Caraale, Xildhibaan Cali Xasan iyo xubno kale.
Ma cada sababta kaliftay in xukuumadu sii beleliso khilaafka oo ay u yeesho weji kale, kaasoo ka hor imanayaa baaqii Madaxweynaha ee ahaa in degdeg loo ansixiyo Komshinka doorashooyinka.Hase yeeshee dadka falanqeeya siyaasadu waxay u arkaan qorshahan, galgalasho cusub oo ay xukuumadu kaga raad gadanayso doorashada, kuna yaboohinayso muddo kordhin, si taasi ugu suuro gashana ay u furtay albaabkan cusub oo guddoomiyaha galaha la doonayo in lagaga dhigo gudoomiye ku xigeenka koowad, kaasoo loo arko inuu la fulin karo qorshahaa. Arrimaha ka sakow, gudoomiye Cirro iyo Wefti balaadhan oo ka tirsan xisbigiisa ayaa soo dhawayn la yaab leh iyo Taageerayaal hor leh kala kulmay dadweynaha Gobolada Saaxil iyo Togdheer oo ay socdaal ku tageen.Dhoolatusyo waawayn oo ka dhacay Berbera iyo Burco, sumadooduna ahayd xisbiga Waddani, ayaa u muuqda in ay ka nixiyeen xukuumada, taasina ay ku kaliftay in berbera lagu qabto xaflad ay sheegeen in xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyay taageerayaal ka diga rogtay xisbiga WADDANI, balse uu xisbiga wadani ka damba hadlay oo uu sheegay in aanay jirin taageerayaal xisbigooda ah oo ku biiray xisbiga KULMIYE, dadka xaflada joogayna ay ahayeen masuuliyiinta iyo shaqaalaha dawlada ee Berbera oo lagu khasbay inay madasha camiraan.Shabakadaha internetka qaarkood ayaa iyana weriyay, in madaxtooyadu ka cadhootay dhoolatuskii berbera ee WADDANI oo uu hormood ka ahaa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, sidaa darteedna halkaa loo diray masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Badhasaabka Gobolka Sanaag iyo Agaasimaha Guud ee Warfaaftinta oo kaashanayay masuuliyiinta gobolka, degmada iyo dekeda, sidaana lagu abaabulay xaflad nuxurkeedu ahaa beeniya in xisbiga waddani hantiyay taageerada dadka deegaankaa. Wararka madasha laga faafiyay qaarkoodna waxay tibaaxeen, in ay taasi iska horkeentay Badhasaabada gobolka Saaxil iyo Gobolka Sanaag, kadib markii sida la sheegay badhasaabka Saaxil uu u arkay badhasaabka gobolka Sanaag mid ku soo faragaliyay deegaanka uu taladiisa hayo, isla markaana uu ka horjoogsaday inuu ka hadlo madasha, taasoo la sheegay inay weji gabax ku noqotay masuulkaa oo ka mid ahaa qaban qaabiyayaashii xafladdaa.
XIGASHO OGAAL