Mudaharaad ka dhacay Degmada Yiroowe ee Goboka Togdheer.
Burco 13/11/2014(SDN/QJ)Mudaharaad Xoogan oo Taayiro lagu gubay ayaa maanta ka dhacay tuulada Yiroowe oo dhinaca Koonfureed kaga Beegan Magaalada Burco isla markaana 18 kiiloo mitir u jirta Buroc,dadwaynaha mudaharaadayay ayaa laamiga magaaladaasi ku gubay taayiro isla markaana waxaa mudo saacado ah istaagay isu socodka gaadiidka isaga goosha dhinaca bari iyo Magaalada Burco,dadwaynaha degan magaalada Yiroowe oo u badan dad danyar ah ayaa waxay ku noolyihiin isla markaana ka ganacsadaan dhagaxa Guryaha lagu dhiso, kaas oo ay kasoo qotaan dhulka Buuraha ah ee Mgaaladaasi ku teedsan ,waxaanay dadwaynaha Mudaharaadayay sheegeen inay mudahaadkan ka dhigayaan dhulkii ay dhagaxa ka qodon jireen oo laga iibiyay nin ganacsade ah,Mudaharaadkan ayaa sababay in ciidamo Boolis ah looga diro dhinaca Burco si ay usoo bakhtiiyaan Mudaraadkaaasi,waxaanay halkaasi kasoo qabqabteen dad gaadhaya ilaa sodon qof kuwaasoo loo soo dhaadhicayay dhinaca magaalada Burco”’shan boql oo qoys baa lagu quudinjiray oo masaariif ka heli jiray ,markaasa nin gancsade lag iibiyay,dadka danyarta ah waa lgu joogsanayaa sidaas waxa tidhi haweenay reer yiroowe ah’
ismaaciil cabdi saleebaan ayaa yidhi isna yidhi” mudaharaadkan waxaa keenay gudida yiroowe waxay yidhaahdeen dhul baa la siiyay nin ganacsade ah,isna intii la siiyay ee yidhaahdeen waanu siinay wuxuu ku darsaday sadex laab markaas Buurihii aanu ka shaqynayan ayuu calaamad ku gedaamay,qalabkii baa nalaga qaaday,waxaanu baaq u diraynaa in dawlada iyo caalmku naga soo gaadhaan.
Gudoomiyaha tuulada Yiroowe Cabdi Ayax oo aanu dhankiisa wax ka waydiinay ayaa isna sheegay inay dhulkaasi siiyeen ni ganacsade ah oo ka dhiganayay Karakshar”amniga iyo gudida degaanka yiroowe baa bixinay meeshan waxaanu bixinay 2003 dii.
dadwaynaha ayaa waxay ku qaylinayeen hadalo ay ku seegayaan in dhulkaas ay masaariifta kala soo bixijireen looga qaaday dad gaar ah”
Taliyaha qaybta G/Togdheer oo aanu wax ka waydiinay dadka lasoo xidhxidhay Tiradooda ayaa yidhi”waxaa wax ka dhaceen waa dhagaxlayaal iyo qolo karagshar,waxaanan soo xidhxidhnay ilaa sodon qof ah,arinta loosoo qabqabtayna waa inamo dhagaxlayaal ah oo rebshad ka sameeyay meesha weeraray.
isku soo wada duuboo xaalada mgaalada Yiroowe ayaa wxii mudahaardakaas ka danbeeyay degan waxaan amaanka gacanta ku haya ciidamo Boolis ah oo dhinaca Burco looga daad Gureeyay.
Xigasho Waahen