Ingiriiska Oo Qoraal Kasoo Saaray Khilaafka Hoggaanka Sare ee Somalida Ragaadiyey
London:Nov,13,2013(SDN/QJ)-Dawladda Waddanka Britain oo kamid ah Dawladaha sida dhaw ula socda Arrimaha Siyaasadda Somalia, ayaa ka hadashay Khilaafka haatan kala dhantaalay habsami u socodkii Dawladda Somalia, kuwaas oo salka ku Haya Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarihiisa.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Arrimaha dibada iyo barwaaqo sooranka ee dowladda Britain ayaa lagu muujiyey Walaaca Britain ka qabto Khilaafkaas, waxana lagu baaqaby in suulintooda laga shaqeeyo.
Dowladda Britain ayaa ugu baaqday Madaxda dowladda in kala duwaanshahooda dhinaca siyaasada ay ku xaliyaan hab diblomaasiyadeed iyo wada hadal.
“UK waxay aad uga wal walsan tahay degenaansha la’aanta siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya, taasoo khatar ku ah horumaradii u dambeeya ee la gaadhay, sida ammaanka, waqtiga waa uu yar yahay, si loo gaadho hamiga sanadka 2016” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibada Britain.
Sidoo kale waxaa warka ka soo baxay Britain lagu sheegay in qorshaha sanadka 2016 uu yahay sidii doorasho au u dhici laheyd, waxaana dhinacyada soomaalida loogu baaqay inay xaliyaan khilaafkooda, si ixtiraam ku jirta.
Beesha Caalamka ayaa wal wal ka muujisay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo gaadhay heer Xildhibaanada Baarlamaanka ay kala qeybsamaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com