|

Jilayaal Soomaaliyeed Oo Kasoo Muuqday Film Kasoo Baxay Xarunta Hollywood

Santiego:Nov,08,2014(SDN/QJ)-Goobaha Shineemooyinka ee dalka Maraykanka, waxa Toddobaadkii ugu dambeeyey lagu arkayey Film xiiso badan oo ay Metelayaal Jilayaal soomaaliyeed, kaas oo diirrada lagu saarayey dhibka haysta Da’yarta Soomaaliyeed.

wehFilm-kan, ayaa waxa lagu soo bandhigayey sida dhalliyarada somaliyeed maskaxdooda loo geliyey arrimaha Budhcad-badeedda, afduubka ajaanibka iyo waliba arrimo kale oo Halis ku ah Noloshooda  iyo mustaqbalkooda.

Jilayaasha Soomaaliyeed oo qeyb libaax leh ka qaatay filmkan ayaa waxay ku jilayaan diyaarad Mareykan ah oo ay ka afduubanayaan jasiiradda Seychelles. Waxayna dowladda Mareykanka ku weydiisanayaan lacag madax furasho ah.

Film-kan oo lagu magacaabo Default, kaasoo Todobaadyadii u danbeeyay laga wada daawaday shineemooyinka Mareykanka, waxana uu aad u soo jiitay dadkii daawaday.

Hakeem Shady iyo Abshir Maxamed Xasan `Abaadir`, waa labada wiil ee Soomaaliga ah ee filmkan jilaya, iyagoo ku hadlaya luuqada afka Soomaaliga, waxaana kala qeyb qaadanaya jilayaal kale oo aan u dhalan Soomaali, balse ku hadlaya Af-soomaali la xifdisiiyay.

Suuqyda aflaamta Maraykanka waxa aad looga xiisaynayey film-aanta ka hadlay arrimaha Budhcad-baddeeda, waxana haatan ka hor jilaa soomaaliyeed o metalay film budhcad-badeed ahi uu ku guulaystay Bilad qaali ah oo dunida laga Hadal hayo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed