|

Nadad-sugidda Somalia Oo Xabsiga Dhigtay Mulkiile Gaadhigiisa Waxyaabaha Qarxa Lagu Rakibay

Muqdisho:Nov,-8,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka ee Degmada Xamarweyne, ayaa xabsiga dhigay  Mulkiilaha iska lahaa Gaadhi waxyaabaha qarxa si qarsoodi ah loogu soo xidhay iyo Wiil u maydhayey oo isagu aaladahan ku arkay Baabuurka Ka Hor intii aanay qarxin.

???????????????????????????????Sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdulqaadir, ciidamada amaanka ayaa labada ninba xabsiga dhigay kadib markii ay qarxeen walxihii gaadhiga lagu soo xidhay inyar uun kadib markii ninkii gaadhiga Maydhayey uu meel ku tuuray markii uu milkiiligii gaadhiga ku yidhi, “Iga dhaqaaji waxan garanmaayee”.

Qaraxa ma jirin cid wax ku noqotay, hasa yeeshee gudoomiyuhu waxa uu sheegay in baadhitaan lagu sameyn doono labada ruux ee midkood gaadhiga lahaa kan kalana uu dhaqayay.

Dhawaan taliska Nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya waxa ay shaaciyeen in ruuxuu gaadhigiisa qarax lagu soo xidho ee ka bad-baada ay la xisaabtami doonaan.

Waa markii ugu horeysay ee la xidho nin gaadhigiisa qarax lagu arkay kadib markii lasoo saaray wareegtadaasi.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed