Akhri Beelaha Ay Kasoo Jeedaan Mudanayaasha Ku Dheggan Mooshinka Ka Dhanka ah Ra’isal Wasaaraha iyo Tirada Wasiirrada ah ee Ku Raacsan
Muqdisho:Nov,08,2014(SDN/QJ)-Buuqa ka dhex taagan Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal wasaarihiisa, ayaa waxa dab kusii shidaya Xubno ka tirsan Aqalka Baarlamaanka Somalia, iyadoo haatan xaaladdu meel qadhaadh marayso.
Inkastoo Ethiopia isku dayeyso inay Khilaafka Dejiso, haddana waxa jira Xildhibaano heegan ugu jira sidii Ra’isal wasaaraha Meesha looga saaril lahaa, isla-markaana diyaar u ah inay codkooda meesha kaga saaraan cidda kasoo horjeesatay Rabitaanka Madaxweynaha.
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu heyno, ayaa sheegaya in ugu yaraan 140-mudane diyaar u yihiin inay kalsooonida Ra’isal wasaaraha Golaha dhexgeeyaan, waxana sidoo kale tiradaas ku jira Xubno kooban oo Golaha wasiirrada ku jira, isla-markaana mudanayaal ah.
Sidoo kale waxa soo baxaya warar xaqiijinaya Beelaha ay kasoo kala jeedaan Xubnahan Baarlakaanka ah ee qaarkood Golaha wasiirrada kamidka yihiin.
Haddaba waa sidan Hoos ku qoran Beelaha ay kasoo kala jeedaan Mudanayaasha ilaa iyo haatan sheegay inay Ra’isal wasaaraha ka Takhalusayaan iyo Xubnaha Wasiirrada eek u raacsani:
Beesha Daarood: 25 Xildhibaan Beesha Hawiye: 30 Xildhibaan Beesha Direed: 30 Xildhibaan Beesha Dugil Iyo Midhifle: 29 Xildhibaan Beesha Shanaad: 26 Xildhibaan.
Tirada Wasiirada Mooshinka Saxeexday Waa 20 Wasiir, waxana ay kala yihiin, Beesha Daarood: 1 Wasiir Beesha Hawiye: 6 Wasiir Beesha Dir : 3 Wasiir Beesha Digil Iyo Midhifle: 4 Wasiir Beesha Shanaad: 6 Wasiir.
Kooxdan ayaa si cad u sheegtay inay meesha ka saari doonaan Ra’isal wasaare Cabdiweli sheikh oo muddo kooban hayey xilkaas, waxana arrintaas dabada ka riixaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu kasoo istaagay wada-shaqayn uu la yeesho Ra’isal wasaaraha uu Gacantiisa kusoo Magacaabay.
SDN/QJ