|

Robert O’Neill:Aniga ayuu ahaa ninkii dilay Osama Bin Laden

Washington Nov 07,2014(SDN/QJ)- Mid ka mida askarta sida gaarka ah u tababaran ee dalka Mareykanka ee loo yaqaan Neavy Seals ayaa qirtay in uu isagu ahaa askarigii toogashada Kudilay hogaamiyihii Al Qaacida ee Osama Bin Laden.

Robert O’Neill oo 38 jir ah ayaa horaantii sanadii 2013dii shaaciyay sidii loo dilay Bin Ladan, balse waxaan xilgaa la shaacin magaca askarigan Seals ka mid ahaa 15 ka sanadood.

Robert O’Neill ayaa aad uga careysiiyay askarta Sealska Mareykanka oo ay hore uga mamnuuca aheyd ka hadalka hawlgalada qarsoodiga ah ee ay fuliyaan.

O’Neal ayaa sheegay in uu Bin Laden madaxa ka toogtay liyoo ku daba dhuumanaya haween aqalka ku sugneyd, isla markaana ay laba askari oo kale ay xabad la dul tageen si ay u hubiyaan in uu dhintay.

Askarigan oo hore dhacdadan bug uga qoray yaaa sheegay in uu haatn u shaaciyay sheekadan ka dib kolkii uu kulamo la yeeshay qoysaskii ay ehelo uga dhimatay weerarkii Al Qaacida ee New York.

Waa markii u horeysay ee uu askari ka tirsan ciidamada Navy Seals ku uu ka hadlo hawlgal ay sameeyeen.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com

Comments are closed