|

“Shacabka guryaha Dawladda Ku Jira waxanu leenahay xukuumaddan xamaamta sii urursanaysa ee safarka ku jirta lacagna ha iska siinina, guryahaasna haka bixina…..”Xildhibaan Buubaa.

Hargeysa:Nov,07,2014(SDN/QJ)-Afhayeenka Xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa Ka Hadlay Hanti-boobka ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Hayso Dhulka Danta Guud oo Maalmahan Xukuumaddu weerar ku qaadday.

ibraahim bubaaXildhibaan Buubaa oo Warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Hantidii qaranka si gaar ah loogu takrifalo, isla-markaana cid gaar ah oo dano rakhiis ah laga leeyahay loogu deeqo Dhulkii iyo Guryihii Shacabku wada lahaa.

Xildhibaan Buubaa ayaa waxa uu sharcidarro ku tilmaamay Tallaabada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Iibinayso Guryihii Shacabka ku yaalla oo ay qaarkood baahisay liiskooda, iyadoo dadka ku  jira loo sheegay inay iska Baxaan ama lacagtooda diyaariyaan,

“Maalmahan waxa Magaalada Hargeysa iyo Magaallooyin kale oo dalkaba ka socday Boob Hantiyeed oo ay waddo xukuumaddan xamaamta sii urursanaysa ee aad Mooddo inay ka quusatay rajadii iyo inay mar labaad kusoo noqoto Hoggaanka Dalka. Waxana aad ka warhaysaan inay soo dhejisay Guryo waaweyn oo Hargeysa ku yaala oo ay xaraashto oo ay leedahay ninkii muddo toban cisho ah gudahood kusoo Bixin waaya waa inuu alaabtiisa ka qaato, waxanuse leenahay ma aha sharci xeerarka Dalkuna ma ogolla in sidaas fawaaxishka ah loo isirtiro.”ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.

Mudane Buubaa waxa uu shacabka ku jira Aqallada xukuumaddu iibkooda Baahisay usoo jeediyey inaanay dheg jalaq siinin, isla-markaana aanay lacagooda iska siinin xukuumadda Wakhtigeedii Gebogebo ku jirta oo danaysa inay hantida umadda jeebabka kusii shubato, sida uu hadalka u dhigay, waxana uu yidhi,

“Shacabka guryahaas ku jira waxanu leenahay idinkaa ka masuul ah guryahaase xukuumaddaas xamaamta sii urursanaysa ee safarka ku jirta lacagna ha iska siinina, guryahaasna haka bixina nabadgelyadoodana suga, mana jiro xeer si rasmi ah u caddaynaya Hantida qaranka iyo sida loo Iibinayo, laakiin Golaha ayuu horyaallaa inta xeerarkaasi soo baxayaan ee la ogaanayo hantidaas la xaraashayo  ama guryahaas Dawladdu leedahay Baahida loo xaraashayaa waxa ay tahay xaq uma laha xukuumaddu  inay jilimadaas keena tidhaahdo malaayiinta ah oo ay jeebadaha ku shubato.”

Waxa uu Xildhibaanku sheegay in maanta xukuumaddan aan laga filaynin inay Hanti qaranku leeyahay iibiso, balse laga filayey inay mid cusub soo kordhiso, waxana uu yidhi,

“Xukuumadda waxa laga sugayey inay Hanti umadeed oo dawladdu leedahay soo kordhiso, laakiin lagama filayn oo loogama fadhiyin inay kuwii jirey ee ingiriisku ka tegay inay isir tirtay oo ay usoo dhigato oo umadda wax ka dhexeeya oo la wada leeyahay ay meesha ka Baxdo.”

Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu dhinaca kale usoo jeediyey cuqaasha iyo salaaadiinta dhaqanka inay faraha kala baxaan arrimaha xafiiltanka ah ee siyaasiyiinta dalka dhexmaraya, waxana uu  fasiray hadal hore uga soo yeedhay Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee xukuumaddii Ududb Siciid sulub, kaas oo uu ku durayey Dhismaha uu wasiir Maxamud xaashi wasaaradiisa uga  dhisay Xaafadda Masalaha, waxana uu Afhayeenku sheegay inaanu arrintaas ula jeedin xumaan iyo dhibaato balse dad dan gaar ah lihi ay meel kale u leexiyeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed