140 Xildhibaan oo u Gudbiyay Gudoonka Baarlamanka Mooshin ka dhan ah Raysal Wasaare Cabdi weli
Muqdisho 07.Nov 2014 (SDN/QJ)- Mooshin ka dhan ah Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Shalay galabloo gudbiyay baarlamaanka Soomaaliya.kadib markii khilaafkii u dhaxeeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha la xalin kari-waayay.
Xildhibaan C/naasir Gaarane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in 140 xildhibaan ay saxeexeen mooshinka kalsoonidda lagaga noqonayo ra’iisul-wasaaraha, isla markaana loo gudbiyay shirgudoonka Baarlamaanka Soomaaliya
Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sida uu sharcigu dhigayo waxaa laga filayaa inay mooshinkan hor-keenaan baarlamaanka si cod loogu qaadayo.
Xidlhibaannadan ayaa taageersan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khilaaf weyni uu u dhaxeeyo Ra’iisal-wasaare Cabdiweli Sheekh.
Mooshinkan ayaa muujiyana in khilaafka labada mas’uul u dhaxeeya la xalin waayay, isla markaana la filayo in baarlamaanku uu kala saaro.
Xildhibaanada Soomaaliya ayaa maalmahan si weyn ugu kala qaybsanaa mooshin xilka lagaga qaadayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, iyadoo qaarkood ay ku goodiyeen inay iyaguna mooshin ka keenayaan guddoonka baarlamaanka haddii mooshin laga keeno ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sh. Axmed.
Dhanka kale, mooshinkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka dhinaca fikirka ah ee u dhexeeya madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaarihiisa, kaasoo beesha caalamku ay ku tilmaantay mid caqabad ku noqon kara horumarradii la gaadhay.
Sannadkii hore ayay ahayd markii xildhibaannada baarlamaanku Soomaaliya ay kalsoonida kala laabteen ra’iisul wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon oo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh uu soo dhexgalay khliaaf xooggan oo saameyn ku yeeshay hay’adaha dowladda.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo muddo sannad ku dhow haya xilka ra’iisul-wasaarenimo ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin mooshinka ka dhanka ah ee laga gudbiyay shalay galab.