|

Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo ka Cabanaysa Sifo Qarsoodi ah oo Ajaanibku ugaadha uga dhoofiyaan Madaarada dalka

Hargaysa 07.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa walaac xoogan ka muujisay dadka ajanebiga ah ee dalka imanaya oo ay ku tilmaantay inay faro-baas ku hayaan ugaadha duurjoogta ee ku dhaqan Somaliland.

shugri-baandare-300x242Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa waxay  soo saartay wareegto ay ku mamnuucayso ka ganacsiga Duurjoogta Somaliland, waxaanay tidhi “Wareegtada aan maanta soo saaray,waxay ku saabsan tahay sidii loo xakamayn lahaa Duur-joogta ee loo xannaanayn lahaa ee looga dayn lahaa dibin-daabyaynta maanta lagu hayo oo ay kow ka tahay Ugaadhsiga iyo Dhoofka Sharci darada ah. Duur-joogta oo ah wax Allaale wixii duur-joogta hoos yimaada oo Shimbiruhuna ku jiraan. Nasiib-daradu waxay tahay,waxaad moodaa in dadku aad iyo aad uga dhego adaygayaan wixii Shuruucda ku saabsan,waxaad moodaa inaanay dad baddani dhegba jalaq u siinayn.Waxyaabaha ugu daran ee aanu isleenahay in aad loo xakamayeeyo ayay u baahan yihiin waa Madaarada. Kolay Wasiirkana hore waanu ugala hadalay, imikana warqaddan way ku jiraan Wasiirka iyo waaxda Socdaalku bal in la ilaaliyo madaaradda.

“Madaarada dhibaatada ka taagani waxa weeye dadka Ajanabiga ah ee inoo imanaya ayaa qaarkood sitaan Shimbirahan lagu Ugaadhsado, Shimbirahaas ilaa saddex warqadood oo aanu ilaa sanadkii hore soo saaray ayaanu dalkaga mamnuucnay,haddana waxaad moodaa in iyagoo qarsoodi ah oo wasaaradda laga qarinayo dalka la soo galayaan dadka shisheeyaha ahi,dabadeedna dadkeenu kaxaynayaan oo meelo ay ka soo Ugaadhsadaan gaynayaan,arintaasina Sharciga ka hor imanaysaa”

Maaha markii kowaad ee ay Wasiirka Wasaarada duurjoogtu soo saarto amar ay ku mamnuucayso ka ganacsiga ugaadha dalka ku dhaqan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed