|

Muuse Biixi:“Mucaaradku Nagama Fadallo cadda ee way naga Calaacal Badan yihiin, waxba maaha waa Mucaarid iyo Xeerkii”

Hargeysa Nov 06,2014(SDN/QJ)-Guddomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Md Muuse Biixi ayaa jawaabo ka bixiyay hadalo dhawaan ka soo yeerayay mucaaridka Somaliland. Muuse waxa uu si gaara uGu jawaabay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo hore uga mid ahaa Xubnaha xisbiga Kulmiye, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa:

“Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa Isniintii ku biiray xisbiga WADDANI. Xildhibaan Siciid-na siyaasad cad ayaanu ku kala tagnay iyo wakhtigeedii oo way caddahay. Siciid waxa uu yidhi ciidamo shisheeyoow noo kaalaya, siyaasadda xisbigana waa ka mamnuuc taasi, isaga ayaa ka baxay siyaasaddii xisbiga Kulmiye.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble kuma wada joogi karno shisheeyoow noo kaalaya, dabadeedna waxa uu door biday cid taa la ogol oo ka aqbala in uu u guuro, waanuna isku macasalaamaynay oo waanu isku ognahay, siyaasadda ayaa na kala du’day, Siciid-na taas ayuu u badheedhay.

Annagu dalka annaga ayaa maamulna, in uu shisheeye yimaadana diyaar uma nihin, Siciidna taas ayuu u badheedhay, ciddii ay taa isla ogol yihiin ee siyaasad taa ka dhigatay ayay wada joogi doonaan ee annaga way noo dhamaatay.

Dadku haddii ay xisbiyada ku biirayaanna, xisbi mucaarad ahi waa dad urursi oo waa yagleel ee ha iska urursadaan, calaacalkuna waa badan yahay, laakiin waxaynu ogaan doonaa xisbi walba awoodiisa maalinta foodka la galo, haddii ILLAAHAY yidhaahdo.

Mucaaradku nagama fadallo cadda ee way naga calaacal badan yihiin, waxba maaha waa mucaarid iyo xeerkii, waa la soo wada maray oo way iska dhib badan tahay. Annagu odhan mayno cid baa noo soo gashay iyo hebeloow soo orod, Shiine oo hadda garabkayga fadhiyaaba waxa uu ahaa guddoomiyihii xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodi-jeex shalay, laakiin kor uma qaad qaadno oo dee waa nin siyaasi ah oo soo digo rogtay, taasna maciin kama dhigano, waxa aynu gaadhi doonaa cidda fadallo cad cad maalinta food loo dareero.”

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ayaa sida aka yiri shir jaraaid oo uu ku qabtay xafiiska Kulmiye ee magaalada Hargeysa horaantii todobaadkan.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed