|

Dawladda Kenya Oo Cabsida ay Al-shabaab Ka Qabto Muwaadiniinteeda Ku Diiwaangelinaysa 145-milyan Oo Dollar

Nairobi:Nov,06,2014(SDN/QJ)-Xukuumada wadanka Kenya, ayaa u muuqata mid wakhti badan ku  luminaysa Cabsida ay ka qabto ururka Al-shabaaba oo ciidamo badan ka Laayey, waxana ay Haatan bilaabaysa Diiwaangelin lacago badani kaga baxayaan.

loxXukuumaddu waxay Go’aan ku gaadhay inay sanadka 2015-ka dalkeeda ka hirgeliso Diiwaangelin casri ah, waxana ay arrintaas u aragtaa mid lagaga hortegi karo khiyaamada ururka Al-shabaab ku hayaan Aqoonsiyada ay haatan reer Kenya haystaan.

Dhamaan caruur,waayeel iyo dhalinyaraba waxaa la diiwagalin doonaa oo la siin doonaa Kaadhadh muwaadinnimo oo electronik ah isla markaana waxaa ku daabacan kaadhkaaga muwaadinimo sawirka faraha qofkaasi.

Shirkada ayaa 145 milyan oo dolar kula heshiisay Kenya,waxayna shirkadani isku xidhaysaa qof walba Akoonka uu ku leeyahay Bangiyada, isla markaana waxa ay meesha ka saaraynaa Musuqmaasuqa Cashuuraha iyo lacagaha la qarsado ee lagala baxsado Cashuurta si dhibyar loo ogaan doono.

Qorshahan ayaa sidoo kale Kenya ka damacsna tahay in ay ku sugto amaanka dalkeeda, kana hortagto dadka argagixisada lagu sheego ee Kenya kusoo dhuunta kana fuliya qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Lacagaha ku baxaya Diiwaangalinta Kenya waxaa bixinaya qayb USAID, Afdp Iyo World Bank .

Dawlada Kenya ayaa sheegtay in 2016-ka ay muwaadiniintoodu yeelan doonaan National Assurance Number sida dalalka horumaray ee reer Galbeedka u badan.

Dawlada Kenya ayaa ku faantay in qorshanai soo afjari doono Musuqmaasuqa iyo Argagixisada.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed