Xasan Sheekh Oo Sheegay Inay Lagama Maarmaan Tahay In Ra’isal wasaare Cabdiweli Uu Shaqada Iskaga Tago
Muqdisho:Nov,06,2014(SDN/QJ)-Muranka dhexyaalla Labada Masuul ee ugu sarreeya Dawladda Somalia, ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyey,waxana uu Madaxweyne Xasan sheikh si cad u sheegay inay lagama maarmaan tahay inuu Ra’isal wasaaruhu xilka iska casilo.
25-Xildhibaan oo ku kulmay Hoteel ku yaalla Muqdisho, ayaa sheegay in Khilaafka Madaxweynaha & RW C/wali uu gaadhay Heerkii ugu saraysay, iyagoo tilmaamay inuu ragaadin karo Khilaafkaasi Horumarka & Hiigsiga 2016, waxana ay xuseen in madaxweynuhu Mawqifkiisa ku tilmaamay mid aan xal loo radin Karin xilligan.
“Waxaan Villa Soomaaliya ugu tagnay Xasan Sheekh, Madaxweynaha DFS wuuu nagu yidhi aniga & RW C/wali mawada Shaqeyn karno, marka Baarlamaanka waa inuu Howshiisa qabsadaa oo uu Xilka ka ridaa,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay dalka gaadhsiin doonto 2016 Doorasho Guud oo Qof & Codkiisa ah (One-man, One-vote) iyadoo laga duulayo Dastuurka Qabyada ah.
Baarlamaanka, Xukuumadda & Madaxweynaha oo ah Hay’adaha hadda go’aanada dalka gaadha ayaa ku mashquulsan inay is hagardaamiyaan oo mid midka kale ku mashquulsan yahay.
Madaxweynaha & RW C/wali oo is khilaafsan waxay ka dhigan tahay in Lacago badan oo loogu talo galay Mashaariic Horumrineed lagu kala iibsado Codadka Xildhibaanada Baarlamaanka.
Hiigsiga 2016 & Hagardaamada Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa been ka dhigaysa Balanqaadkii Xasan Sheekh oo ahaa inuu Guud ahaan dalka Doorasho ku qaban doono oo Shacabka ay Codadkooda ku dhiiban doonaan Sanaadiiq.
Shaqada & Waajibaadka Baarlamaanka waxay noqdeen Kan Siib, kanna saar oo ah Ra’iisul Wasaaraha ha la rido, midkana la ansixiyo, waxaana sidaasi ku lumay 2 Sano oo dadka somalida ah qaali ku ahaa, balse macno la’aan ku dhamaaday.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com