Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay Tacadiyo ay Ilaaladiisu kula Kaceen Mudanayaal ka Tirsan Golaha Deegaanka Berbera iyo Tiro dad ah oo ay Xabsiga dhigeen DAAWO
Berbera 06.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay inay u soo qab-qabteen dad gaadhaya tobbaneeyo qof shaqaaqadii maalintii Isniintii aynu soo dhaafnay ka dhacday dhul laga sameynayay Maxjar cusub oo lagu caafimaadin doono Xoolaha inta aanay ka dhoofin dekeda Berbera.
Wasiir Warancade waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta u waramayay qaar ka mida warbaahinta Gobolka Berbera,isaga oo ka ka hadlaya tiraddada dadka ay soo xidhxidheen ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu qabanay maxaabiis ilaa tobbaneeya ah, dadkii rabshadaha sameeyey oo labada dhinacba ah, wixii kale ee aan imika la haynina gacanta ayaa lagu soo dhigayaa waxaan u mahad-celinayaa maamulka Gobolka Saaxil….hawlaha wixii hadhay iyo qolo waliba waxay ku dacwoonayso Gobolka waanu ka dulqaadi doona,waxaanan isugu yeedhaynaa Hargeysa haddii ILAAHAY yidhaahdo”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waranacade ayaa waxa uu labadii maalmood ee u danbeeyey-ba ku sugnaa Gobolka Saaxil si uu u soo afjaro shaqaaqo ka dhalatay maxjar saddexaad oo xoolaha lagu caafimaadin doono oo laga yagleelayay Magaalada Berbera.
Berbera SDN/QJ
contact@qurbejoog.com