“Xukuumadda Halkee Sharci Ugu Dambaysay, Cukuse isaga oo gudihiisi qudhmay oo…” Mujaahid Cali Guray
Hargaysa 05.Nov 2014 (SDN/QJ)- Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Gudoomiye ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbigaas ayaa ka fal celiyay Hadal uu Warbaahinta u Jeediyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta kuna sheegay in Xukuumada uu ka Tirsan yahay ay Saxaafada ku dhaqayso Xeer Lam 27 .
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ayaa Qoraal aan ka soo xiganay Barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka dadweynaha ee Facebook waxa uu Wax lala yaabo ku tilmaamay dhawaqa Wasiir Cukuse isagoo sheegay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay Ixtiraami weyday Sharci kasta oo lagu dhaqayay dalka.
Qoraalka Ku simaha Gudoomiyaha Ucid ayaa u dhignaa Sidan:- “Hele Hele. Cukuse ku lahaa xeer Lam.27 ayaanu ku maamulaynaan saxaafadda madaxbanaan. Horta iyagu sharciga ma ku dhaqmaan mase ixtiraamaan? Jawaabtu waa maya ee waxay dhigteen xeer keliya oo iyagu ay samaysteen: waxaanu doonaa waa sharci xataa hadii uu sharci daro yahay. Waxanu diidnaana waa sharci darro xataa hadii uu sharci yahay. Xeerka keliya ey ixtiraamaan markuu kaa yahay xagooda waxii ka hor imanaya oo dhami waa sharci darro.
Waa cadaaladda sebenka eh warbaahinta qaranka ee ay ahayd in qaranku yeesho waxa iska leh oo laga maamulaa madaxtooyada. Wax xeer ah oo u dhiganina ma jiro ee cidii la faro caaya oo been ka sheega oo dacayadeeyana wax ay ula hadhaan ma jiro xataa looma ogola wixii laga sheegay inu wax ka yidhaa oo iska daafaco. Maxaa diiday in ay yeelato warbaahinta qaranku Xeer Nidaamiye( Code Of Conduct) lagu hago sax ah iyo Gole Agaasimayaal(Board Of Dirctors) ku ilaaliya siyaasadda qaranka ee warbaahinta qaranka guud ahaa si madaxbanaana u guta waajibkooda. Waa hawshii u taalay xukuumadda iyo gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta. Cukuse isaga oo gudihiisi qudhmay oo warbaahintii qaranku ta aynu arkayno tahay ayuu hadana gudo kale iyo saxaafadda madaxa banaan baan xeer aan xataa si cadaalad ah loogu sinaan doonin oo aynu wada ognahay ina leeyagay waa lagu maamulayaa. Yaa aaminaya xukuumad eex iyo qaraabo kiil iyo musmaasuq iyo qabyaalad ku shaqaysa oo gaadhsiisan ilaa heer maxkamadihii tilfoon lagu maamulo oo eedaynaha iyo xukunadaba loo yeedhinayo sawkan Somaliland xaalkeedu marayo Dad Cadaalad Waayaa Sidii Cawsha Kala Yaac
Cadaalad waxa heli lahaa HUBAAL IYO HAATUF oo loo xidhay war run ah oo inanka sodoga loo yahay ka cadhaysiiyay. Ha u haysto in arinku sidaa ku dhamaanayo waxa iman maalin cadaalad la helo oo isaga iyo tuuga kale maxkamad la hor keeno khasaaruhuna uu dushooda noqon doono oo guryaha xaaraanta ah loo xaraashi doono HAATUF IYO HUBAAL.
Bal ogaada waxan Cabdillahi Cukuse wadwadaa waa kuwo hor leh oo loo maadmaatinayo iyo suxufiyiinta xidhxidhan oo lagu ridi doono xukumo hore loo sii gaadhay. Faqash Faqash doorisay uun iga dheh. Ha socto xaqu wuu guulaysan baadilkuna wuu guul daraysan sidii aynu ilaahay uga baranay.
Hargaysa SDN/QJ