“Haddii Saxaafaddii Ay Soo Bandhigtay Qaladaadkii Iyo Gadoodkii Ummadda, Ma Deyrkii Makka Ayeey Gubeen” Murashax Jamaal Cali Xuseen
Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay haddii ay Saxaafaddii Somaliland soo bandhigtay qaladaadka iyo gadoodkii umadda ma Deyrkii Maka ayey gubeen, isla markaana waxa uu ka codsaay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo inay iska difaacdo musuqmaasuqa, balse in sifo sharciga ka baxsan in loo isticmaalo Weriyayaasha waan ka soo horjeeda.
Jamaal Cali Xuseen waxa sheegay inay xukuumaddu laba weriye oo kale ay xidhay, taas oo tiradii hore ka dhigaysa Afar Weriye, isla markaana waxa uu ka dalbaday xukuumada Madaxweyne Siilaanyo inay si degdega xoriyadoodii ugu soo celiso.
Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga, waxaanu u dhignaa isaga oo dhameys tiran sidan:
“Weriyayaasha Ilaa imika la xidhay waxaa No 4 ku noqotay gabadh la yidhaa Ikraan oo ahayd weriyahii HCTV ee magaaladda Garadag oo si xaqdaro ah loo xidhay. Xalay waxaa la xidhay Ina Soo Fadhiiste oo Berbera laga xidhay; iyo labaddii suxufi ee hore ee Gabiley laga xidhay Mukhtaar oo HCTV ah iyo Mr; Jubba oo Somalisat ah.”
Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka dalbaday Xukuumadda inay si degdega xorriyadoodii dib ugu soo celiyo Weriyayaasha ay xidhxidhay, waxaanu yidhi“ In Xoriyadoodii ha loo soo celiyo weriyayaashan ayaanu ugu baaqaynaa xisbigga talladda haya ee Kulmiye haddaanu nahay mucaaridka. Xukuumaddu iyaduba saxaafadda ummaddu wadalahayd ee SLTV iyo Radio Hargeisa iyo kuwa kale ee ay gacanta ku haysaba mucaaridka ku cayda oo uu Cirro ugu danbeeyey ee ma xaqbaa waxay sameynaysaa? Somaliland ummaddu way wadda leedahay cidina xoog kumay qabsan; saddexda xisbina way ka dhaxeeyaan ummadda.”
“Haddii saxaafaddii ay soo bandhigtay qaladaadkii iyo gadoodkii ummadda; ma deyrkii Makka ayeey gubeen? musuqmaasuqa hayska difaacdo xukuumaddu,laakiin sifo sharcigga ka baxsan in weriyayaasha lagu isctimaallo waan ka soo horjeednaa ummana wanaagsana sifaha dawladnimo. Haddii cid la xidhaayo ha loo maro sifo sharci ah.”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com