|

KHILAAFKA MADAXDA DAWLADDA SOOMAALIYA- SABABAHA IYO XALKA

Waxaa mar walba i xanuujiya oo aan ka gubtaa in maalmihi aan yaraa ee aan ahaa arday dugsiga hoose iyo quraanka dhigta xiligi dawladii Carta ilaa maanta oo aan ahay arday u diiwaan gashan diyaarinta shahaadada labaad ee jaamacadda (Master) inaan la barbaarayo maqalka khilaaf iyo is qabqabsi u dhaxeeya madaxda dawladeenna hadba markaa u sarreeysa, mar walba oo la xalliyana sidi lagu xaliyaba aan is iraahdo markaan yaa u danbaysay oo kuwo isku aragti ah oo bisil yaa is helay aan haddana arko iyagoo bilo kadib haddana is haysta.

Waxaa kale oo aan inbadan is-waydiiyay sababta wax looga baran la’yahay oo xal waara loogu heli la’yahay soo noqnoqoshada qaladaadkaas. Sidaa daraaddeed waxan jeclaystay inaan wax ka qoro sababaha iyo xalka khilaafyada soo noqnoqday ee madaxda dawladda Soomaaliya anigoo rajo ka qaba inay wax uun ka tari doonto in laga gudbo oo laga bislaado misna xal waara loo helo.

Sababaha Khilaafka Madaxda Dawladda Soomaaliya

Haddii aan sababaha ku hormaro, waxaan u arkaa in waxyaabaha sababa khilaafyada madaxda iyo waliba soo noqnoqoshadooda ay yihiin 4ta qodob ee soo socota:

1) Sharciga

Mar walba oo ay madaxdu is qabsato mid walba wuxuu cuskadaa qodob sharci ah, taas oo ay ahayd inuu dastuurku soo afjaro uuna si cad u kala saaro awoodaha iyo shaqooyinka ay kala leeyihiin iyo qaabka ay u wada shaqaynayaan si uusan midna ugu xad-gudbin ka kale.

 

2) Xulasho xumi

Marka uu madaxwaynuhu soo xulanaayo raysulwasaare kuma soo xusho aqoonta iyo khibradda uu leeyahay iyo isku aragti ahaanshahooda balse waxay intooda badan isbartaan muddada uu madaxwaynuhu daydayayo raysulwasaare iyadoo ay taasi sii dheertahay in xulashadiisa inta badan lagu dhiso soo jeedin ka timid urur, saaxiib, ololaha siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada ama dawlad shisheeye, iyo rajada laga qabo inuu noqdo nin liita oo aan hadhoow madaxwaynaha la qaybsan awoodda iyo sumcadda wax-qabad.

 

3) Nidaamka awood qaybsiga ee 4.5

Nidaamka awood qaybsiga ee 4.5 yaa isna kamid ah sababaha khilaafyada, waayo mid walba oo iyaga kamid ah wuxuu dareensiinayaa in sababta 1aad ee uu xilka ku helay ay tahay dhalashada reerkiisa iyo in xilka uu hayo uu yahay sadka reerkiisa kasoo gaaray awood qaybsiga, taas oo keenaysa in mar walba lakala jiito oo ay u dhego-nuglaadaan maqlidda rabitaanka iyo talada reerahooda.

 

4) War-xume-tashiil

Waxyaabaha iska hor keena madaxda dawladda Soomaaliya waxaa kamid ah u kala warqaadka iyo isku-dirka tooska ah iyo ka dadban ee siyaasiyiinta, reeraha, dawladaha shisheeye, iyo saxaafadda.

Xalka Khilaafka Madaxda Dawladda Soomaaliya

Haddii aan xalka usoo gudbo, si looga gudbo soo noqnoqoshada khilaafyada iyo is-qaqabsiga madaxda Soomaaliya wuxuu xalka iila muuqdaa 4ta qodob ee soo socta:

1) Wax ka beddelka sharciga (dastuurka)

In dib loogu noqdo oo si fiican loo turxaan bixiyo qodobbada ka hadlaya awoodaha madaxweynaha iyo raysulwasaaraha iyo xiriirka ka dhaxeeya amaba inaan ka guurno nidaamkan baarlamaaniga ah oo an qaadano nidaamka ri’aasiga (Presidential) daraasad kadib.

 

2) Wax ka beddelka hannaanka xulidda raysulwasaaraha iyo dardar galinta nidaamka xisbiyada

Madaxweynuhu waa inuu si aad ah uga baaraandago xulashada raysulwasaaraha oo ku dadaalaa inuu soo magacaabo qof uu aad iyo aad isugu hubo oo ay isku aragti yihiin si fiicanna uu u yaqaanno. Sidoo kale si xal waara looga gaaro khilaafka madaxda waa in la dardargeliyo nidaamka xisbiyada si loo helo madax isku aragti ah oo is aaminsan iyo in gebi ahaanba laga guuro nidaamka awood qaybsiga ee 4.5 si madaxda ay uga xorowdo dareenka ah inay reer matalaan.

 

3) Is-ixtiraam iyo wadashaqayn dhaw

Waxaa iyana loo baahanyahay in labada dhinacba ay is-ixtiraamaan oo aysan isku xad-gudbin oo raysulwasaaruhu garto in madaxweynuhu xilka halgan adag usoo galay, ballanqaadyo uu sameeyayna looga fadhiyo oo ay tahay inay siyaasaddiisu shaqayso, sidaa si lamid ah waa inuu madaxweynuhu gartaa in maadaama uu soo magacaabay raysulwasaaruhu aysan ahayn inuusan shaqadiisa qabsan, hadduu ka danbeeyo oo uu adeecana aysan micnaheedu ahayn inuu yahay qof liito oo ay tahay inuu ku tagri falo.

 

4) Ka dhiidhinta shacabka iyo ururada bulshada rayidka ah

Shacabka iyo bulshada rayidka ahna waa inay cod dheer ku diidaan khilaafka, si xoogganna u muujiyaan inaysan marnaba aqbali karın is-qabqabsiga noocaas ah, sidoo kalana ay takooraan lana dagaalaan saxaafadda, siyaasiyiinta iyo inta kale ee ku mashquulsan iska horkeenka madax da iyo hurinta khilaafkooda.

Ugu danbayntii, qof walba oo muwaaddin Soomaaliyeed ah waa inuu dareemaa inay masuuliyad ka saarantahay isku soo dhawaynta madaxda iyo ka shaqaynta maslaxadda guud ee dalkeenna iyo dadkeena, kaalinta ugu yar oo uu qof walba ka gaysan karana waa inuusan ku farxin misna uusan sii buunbuunin uguna duceeyo midnimo iyo maslaxad.

W/Q: Mustafa Maxamed Cali Caadle

Email: mustafahaajii@gmail.com

Facebook: Mustafa Mohamed Ali Adle

(Ankara-Turkey)

 

 

Comments are closed