|

Agaasimaha Somaliland Ee Tvga Universal Maxamed Caabi Oo Shaaciyey In TVgii Xayiradii Laga Qaaday Xili Aanu Wasiirku Si Toosa U Shaacin Oo Uu Hordhigay Qodoo Dhawra Inay Soo Buuxiyan

caabi

Hargeisa 4/11/2014(SDN/QJ)Agaasimaha Universal Tv Qeybta Somaliland Maxamed Caabi Digaale Ayaa Waxaa Uu Hadhwanaagnews U Xaqiijiyey In Tvga Universal Laga Qaaday Xayiraadii Saarneed Qeybta Somaliland

Isla Markaana Tvgu Uu Hawlihiisii Shaqo Si Hufan Uga Bilaabi Doono Deegaanada Somaliland Waxana Uu Yidhi ” Aniga Oo Ah Agaasimaha Guud ee Unversal Tv Qeybta Somaliland Waxa Maanta Shir Jaraa,id Lagu Qabtay Xafiiska Wasiirka Wasaarada War Faafinta Somaliland Wasiirku Waxaa Uu Sheegay In Uu Aqbalay Ergooyiin Baryahanba Socday Oo Ku Saab Sanaaa Sidii Loo Soo Afjari lahaa Khilaafkii Ka Dhexeeyey Tvga Universal Iyo Somaliland Sidaa Awgeed Tvga Universal Qeybta Somaliland Maanta Laga Bilaabo Waa Uu Fasaxan Yahay Waxaanan Leeyahay Sidaas Hana Lagu Soo Dhaweeyo”

Isaga Oo Hadalkiisii Sii Wata Ayaa Waxaa uu Ku Sii Daray ” Waxaa Uu Wasiirku Igu Yidhi Maadaama Oo Aan Yidhi Universal Tv Khaladkii Ay Gashay Raali Galin Ayey Ka Bixisay Maadama Oo Aan Yidhi Waxaa Noo Yimid Dad Madax Dhaqameed Ah TVga Waan Aqbalay Ergadisii Waanad Hawl Gali Kartaan Sidaas Baana Ku Hawl Galaynaa

Iyadoo dhanka kale  aanu wasiirka warfaafinta c/lahi maxamed daahir cukuse si  rasmiya  ugu dhawaaqin inuu fasaxan yahay  universal

Hargeisa SDN/QJ

Concat@Somalidiasporanews.com

Comments are closed