Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Xeer lagu dhaqi doono Saxaafada, Iyo Qaab aan dhamaystirnayn oo Xayiraadii looga qaaday Universal TV DAAWO
Hargaysa 04.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Maanta Shaaca ka qaaday inay Xayiraadii ka qaadeen Telefishanka Universal TV kadib Markii uu Raali gelin ka Bixiyay Barnaamij ka baxsan Sida uu Xusay anshaxa saxaafada Waxaa kale oo uu iftiimiyay Xeerka hada kadib lagu dhaqi doono Saxaafada.
Kulanka uu wasiirku ku qaabilay saxaafadda dalka oo ka dhacay Tiyaatarka weyn ee wasaaradda aynma ka soo qayb galeen Kontomeeyo ka mid Md qaybaha warbaahinta Somaliland sida TV-yada, wargaysyada, Idaacadaha, Website-yada iyo ururada saxaafada ee jira ayaa Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cikuse waxa uu kaga dhawaaqay in maanta ta waxii ka dambeeya saxaafada Somaliland iyo ta kale ee ka hawlgashaba lagu dhiqi doono xeerkii saxaafada xeer NO 27 oo hore ay warbaahintu u dalbanaysay dhaqangelintiisa.
Wasiirka warfaafinta oo ka hadlayey qaabka loo Anshan marinayo saxafiga ka gudba xeerkan waxa uu sheegay in la samayn doono guddi qaabilsan anshax marinta saxaafada guddidfaasi oo uu samaynteeda ogol yahay xeerka saxaafada ee xeer number 27 iyadoo guddidaasina ay ka koobnaan doonto suxufiyiintiii mudada dheer ku soo jiray mihnada saxaafada.
Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay in warbaahinta madaxa banaan ay wasaaradu u samayn doonto liisamo ay ku bixiyaan cashuurta ku waajibtay sannadkii iyo kaadhadh lagu aqoonsado saxafigu goobta warbaahineed uu ka socdo xiliyada uu ka qayb-galo shirarka muhiimka ah ee dalka gudihisa ka dhacaya , halka sidoo kale uu wasirka warfaafimtu iclaamiyey in ay gabi ahaanba ay laaleen warbaahinta la diiwaangaliyey lix bilood iyo ka ka badan ee isugu jira wargaysyada iyo tv-yada kuwaasi oo aan hadda shaqaynin in muddo ah.
Wasiirka warfaafinta oo markii kulankaasi uu dhamaaday la waydiiyey su,aal ku saabsanayd tvga universal oo hore xukumada Somaliland uga mamnuucday in uu ka hawlgalo guddaha Somaliland iyo in ay jirto in xiligan xukuumadu u fasaxayso ayaa sababeeyey arimaha keenay in dib loo eego hawsha TV-gaasi
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com