Mudanayaasha Saxeexay Mooshinka Ka Dhanka ah Xukuumadda Cabdiweli Oo Tiradooda La Gaadhsiiyey 165 iyo Hadalkii Nickolas Kay Oo Xaaladda Kiciyey
Muqdisho:Nov,04,2014(SDN/QJ)-Waxa si aan qarsoonan Muqdisho looga dareemayaa shirar hoose oo ay leeyihiin Xubno kamid ah Baarlamaanka Somalia oo ay isku aragti yihiin Madaxweyne Xasan sheikh, kuwaas oo ay ka Go’an tahay sidii ay uga takhalusi lahaayeen xukuumadda Ra’isal wasaare Cabdiweli.
Kulamo gaar gaar ahaa oo shalay iyo xalay ka qabsoomay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay Xildhibaano fara badan ay aqbaleen inay ku biiraan xubnaha Baarlamaanka, ee mooshinka ka diyaarineyso Ra’iisal Wasaaraha.
Xilli 115 Xildhibaan ay mareysay Xildhibaanada saxeexday mooshinka ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa shalay oo kaliya ku soo biirtay 50 Xildhibaano, xilli Xildhibaanada Baarlamaanku ay ka cadhoodeen hadalkii ka soo yeedhay Nicholas Kay.
Nicholas Kay, ayaa Xildhibaanada ku eedeeyay inay codadkoodu lacago ku qaataan, kolka ay noqoto ridista Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, taaso taabatay dareenka Xildhibaanada, iyagoona cadho xoog leh ka muujiyay.
Xildhibaanada oo shalay kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka, ayaa waxay kaga hadleen eedeymihii uu u soo jeediyay Amb. Kay, ha yeeshee waxay Xildhibaanadu ku kala aragtiyo duwanaadeen jawaabtii la siin lahaa.
Xafiiska Madaxweynaha, ayaa wuxuu qorsheynayaa in tirada Xildhibaanda mooshinka ka keeneysa Ra’iisal Wasaaraha la gaadhsiiyo 200 oo Mudane, si aanu wax buuq ah kaga iman kalsoonida Baarlamaanka ee Wasiirka 1-aad. Xildhibaanada Baarlamaanka waxay tiradoodu guud ka kooban tahay 275 Xildhibaano.
Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa la sheegay inaanu wax dheg jalaq ah u siin doonin eedeymihii uu Nicholas Kay u soo jeediyay Xildhibaabada Baarlamaanka, isla-markaana uu sii xoojin doono abaabulka Xildhibaanada ee mooshinka diyaarineysa.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com