Dawladda Maraykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey oo ka Digay in iyadoo Mususqmaasuq la adeegsanayo la rido Xukuumada Raysul Wasaare Cabdiweli
Muqdisho Nov 04,2014(SDN/QJ)-Dawladda Maraykanka ayaa si adag uga hor timi qorshe uu Madaxweynaha Soomaaliya iyo isbahaysigiisa siyaasadeed ku doonayeen in lagu rido Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Rayisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.
Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda Arrimaha Dibada Maraykanka ee Arrimaha Siyaasadda Africa ayaa ka digtay in la rido Xukuumadda Soomaaliya xilli uu dalka marayo meel muhiim ah isla markaana ay xukuumaddu waddo dadaal dalka lagu gaarsiinayo doorashooyin iyo in la rumeeyo aragtida siyaasadeed ee 2016.
Ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkaas ey xiriir la samaysay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysul Wasaaraha, una xaqiijisay in Dawlada Maraykanka marna aqbali doonin in xilligan la rido Xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed, taa beddelkeedana loo baahan yahay in hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya ka wada shaqeeyaan danta qarankooda iyo xaqiijinta aragtida siyaasadeed ee 2016ka. Waxay u balanqaaday labada Masuul taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo sida waddankeedu u barbar istaagi doono Dawladda Soomaaliya, laakiin loo baahan yahay in hoggaanka iyo metelayaasha siyasadda ee Soomaaliya ay u dhaqmaan si masuuliyad ku jirto, lana soo afjaro is-dagaalidda siyaasadeed.
Dhinacaiisana, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaabilsan Soomaaliya Ambassador Nickolas Kay ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxa Xukuumadda, waxana uu intaa ku daray in uu aad u dhibsaday wararka sheegaya in xildhibaanada ay lacag ku beddelanayaan codka kalsooni darrada oo loo qaado Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed. Mr. Kay waxa uu ballanqaaday in Xafiiskiisu uu sii wadayo fulinta taagerada Soomaaliya si loo helo dal Federaal ah, dastuur iyo doorashooyin marka la gaaro 2016ka.
Ururka Midowga Yurub ayaa sidoo kale codkiisa ku biiriyey diidmada lagala horyimi iskudayga lagu doonayey in lagu afgenbiyo xukuumadda Soomaaliya, waxana war qoraal ah oo uu soo saaray Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Micheele Cervone lagu sheegay inay si taxader leh uga war qabaan kala aragti duwanaanta masuuliyiinta Soomaaliya, iyadoo arrintani ay saamayn ku yeelanayso waxqabadka hay’adaha Federaalka iyo dadaalkii dib loogu dhisayey dalka Soomaaliya.
Ilo diblamaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegaya in Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, dalalka deriska iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya ay ka soo horjeedaan in xilligan la rido Xukuumadda Soomaaliya, maadaama dalku marayo marxalad muhiim ah oo kala guur ah, isla markaana la dhisayo Dawlad Goboleedyadii iyo sidoo kale la dhamaystirayo hawlaha qabyada ah ee loo baahan yahay in La sameeyo ka hor 2016ka.
Codka Midaysan ee beesha Caalamka ayaa imanaya iyadoo maalmihii ugu danbeeyey uu soo ifbaxay khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo Madaxweynaah Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed, waxana xurgufta siyaasadeed dhalatay ka dib markii Ra’ikisul Wasaaruhu iskushaandhayn kooban ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, laakiin waxaa go’aankaasi diiday madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka soo qaaday waxba kama jiraan. Khuburada dhinaca sharciga ayaa isku raacay in marka la eego Dastuurka Soomaaliya, ay ka mid tahay awoodaha iyo shaqada Ra’iisul Wasaaraha in uu magcaabi karo xilkana ka qaadi karo xubnaha Golaha Wasiirada.
Dadka siyaasadda odorasa ayaa tilmaamay in codka qayaxan ee beesha caalamku uga hor timi iskudayga lagu doonayey in lagu rido xukuumadda Soomaaliya ay meesha ka saarayso qorshahaasi uu dabada ka riixayey Madaxweynaha iyo isbahaysigiisa siyaasadeed iyo guud ahaan dhinacyada taageera ee kala duwan.
Geddi Ali Maxamed