|

Maraykanka Oo Si Cad uga Soo Horjeestay In Riditaanka Ra’isal Wasaaraha Loo Adeegsado Hantida Umadda

Washington:Nov,04,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Maraykanka oo kamid ah Dawladaha sida dhaw ula socda xaallada siyaasadeed ee Somalia, ayaa si cad u sheegtay inay kasoo horjeeddo in xukuumadda Ra’isal wasaare Cabdiweli sheikh Loo adeegsado Hantida umadda sidii loo ridi lahaa.

calan maraykanSarkaal sare oo ka tirsan waaxda Arrimaha Dibada Maraykanka ee Arrimaha Siyaasadda Africa ayaa ka digtay in la rido Xukuumadda Soomaaliya xilli uu dalka marayo meel muhiim ah isla markaana ay xukuumaddu waddo dadaal dalka lagu gaadhsiinayo doorashooyin iyo in la rumeeyo aragtida siyaasadeed ee 2016.

Ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkaas ey xidhiidh la samaysay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysul Wasaaraha, una xaqiijisay in Dawlada Maraykanka marna aqbali doonin in xilligan la rido Xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed, taa beddelkeedana loo baahan yahay in hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya ka wada shaqeeyaan danta qarankooda iyo xaqiijinta aragtida siyaasadeed ee 2016ka.

Waxay u balanqaaday labada Masuul taageerada Maraykanka ee Soomaaliya iyo sida waddankeedu u barbar istaagi doono Dawladda Soomaaliya, laakiin loo baahan yahay in hoggaanka iyo metelayaasha siyasadda ee Soomaaliya ay u dhaqmaan si masuuliyad ku jirto, lana soo afjaro is-dagaalidda siyaasadeed.

Hore ayey sidan oo kale Midowyga Reer Yurub iyo Qaramada Midoobay ucaddeeyeen inay kasoo horjeedaan tallaabo kasta oo Xukuumadda Ra’isal wasaare Cabdiweli lagu ridayo, waxana ay tilmaameen inay aqbali Karin in waliba riditaaankeeda loo adeegsado Hantida umadda.

Codka Midaysan ee beesha Caalamka ayaa imanaya iyadoo maalmihii ugu danbeeyey uu soo ifbaxay khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo Madaxweynaah Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed, waxana xurgufta siyaasadeed dhalatay ka dib markii Ra’ikisul Wasaaruhu iskushaandhayn kooban ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, laakiin waxaa go’aankaasi diiday madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka soo qaaday waxba kama jiraan. Khuburada dhinaca sharciga ayaa isku raacay in marka la eego Dastuurka Soomaaliya, ay ka mid tahay awoodaha iyo shaqada Ra’iisul Wasaaraha in uu magcaabi karo xilkana ka qaadi karo xubnaha Golaha Wasiirada.

Dadka siyaasadda odorasa ayaa tilmaamay in codka qayaxan ee beesha caalamku uga hor timi iskudayga lagu doonayey in lagu rido xukuumadda Soomaaliya ay meesha ka saarayso qorshahaasi uu dabada ka riixayey Madaxweynaha iyo isbahaysigiisa siyaasadeed iyo guud ahaan dhinacyada taageera ee kala duwan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed