Dumarka Sucuudiga Oo Sanad-guure yaab Leh Xusaya
Riyad:Oct,27,2014(SDN/QJ)-Haweenka ku Nool dalka sucuudiga, ayaa xusaya sanad-guuro aan dunida kale la qabin ah oo la xidhiidha rabitaan ay ku doonayaan in loogu ogolaado kaxaynta Gadhawaadhiga oo dalkaasi aan laga ogolayn.
Ololaha loogu jiro in haweenku ay baabuurta kexeeyaan waddanka Sacuudigu waxaa uu soo bilawday labaatan sano kahor, waxana wali lagu jiraa halgankaas.
Laakiin waxaa nolol cusub geliyay muddaharaadkii dhacay muddo haatan sanad laga joogo. Tirada haweenka iyo ragga ka qayb galay muddaharaadkii waqtigaas way ka badnayd inta ay hadda rajeynayeen dadka dhaqdhaqaaqan wada kaddib markii ay dowladdu ka digtay ka qayb galka muddaharaadka sanadkan, hase ahaatee arrintani waxay heshay warbaahin aad u ballaadhan.
Sanadkan waxay ahayd mid aan qaylo badan lahayn, Dadka dhaqdhaqaaqa wada waxay Warbaahinta u sheegeen in arrintu si wanaagsan ugu socoto iyo in markan ay tahay mid astaan ahaan loo muujinayo iyo wacyi gelin halkii muddaharaadyo waaweyn laga dhigi lahaa.
Mid ka mid ah wargeysyada Sacuudiga ka soo baxa xataa waxaaba uu qoray in muddaharaadka la baajiyay, laakiin dadkii hawshaas waday taas way beeniyeen, iyagoo sheegaya inay dadkii ka qayb geli lahaa u sheegeen oo keliya inaanay ka hor iman awaamiirta wasaaradda arrimaha gudaha.
Sanadkii hore, calaamaduhu waxay ahaayeen kuwo aad isugu qasan, iyadoo uu jiray dareen ah in mas’uuliyiinta oo dhami aanay arrinta ka soo wada horjeedin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com