Xoghaye Ban Ki-moon Oo Muqdisho Kusoo Wajahan
Muqdisho:Oct,27,2014(SDN/QJ)-Warar saxaafaddu qorayso oo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in xoghaya Guud ee Qaramaada Midoobay Ban Kimoon oo Toddobaadka soo socda safar kooban ku tegi doono Bariga Afrika, gaar ahaan Caasimadda Nairobi, iyadoo wararka qaarkoodna sheegayaan inuu Muqdisho ku Gudbi doono.
Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London Ee Dalka Ingiriiska ayaa qoray inuu Xoghaye ban Ki Mon uu qorsheynayo inuu toddobaadkan booqasho ku yimaado magaalladda Nairobi ee dalka Kenya, si uu uga qeyb galo Ololaha Warbaahinta Caalamka ee la-dagaalanka Gudniinka Fircooniga ee FGM, taas oo lagu wado inuu muqdisho u gudbi doono.
Ban Kii-moon ayaa lagu wadaa inuu bishan October 29 booqasho labo maalmood ah ku tego caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, isagoo kulan la yeelanayo Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Madax kale oo Halkaa ku sugan.
Ban Kii-moon waxaa safarkiisa ku wehlin doona Madaxa Bangiga Adduunka, Jim Yong Kiim, kaasi oo la kulmi doono Madaxda Sare ee Kenya.
Ku-xigeenka Afhayeenka QM, Farhan Haq ayaa sheegay in uu Ban Kii-moon sii wadayo dadaalkiisa ku aadan sidii loo joojin lahaa gudniinka FGM, iyadoo ku-dhawaad 125 million oo gabdho oo ku nool 29 Waddan oo ku yaalla Qaaradda Africa iyo Bariga Dhexe ayaa lagu fuliyey gudniinkaasi, waxana ay Somalia ka mid tahhay meelaha Gudniinka sida weyn looga isticmaalo.
Dhinaca kale, waxa ay wararku intaas ku darayaan inuu Ban Kii-moon booqasho gaaban ku iman doono magaalladda Muqdisho bishan 29-da, isagoo Madaxda Dowladda iyo Saraakiisha AMISOM, UNSOM iyo AU kula kulmi doono Xeradda Xalane, oo ay ku sugan yihiin Ciiddamadda Nabad-ilaalinta AMISOM ama Madaxtooyada Somalia uu Iman doono Halkaana uu ka socdo Dadaal lagu soo dhaweynayo.
Safarka Ban Kii-moon ku iman doono magaalladda Muqdisho, oo noqon doona kii labaad ee uu ku yimaado magaalladda Muqdisho ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo uu Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iusl-wasaaraha dib u soo laba-kacleeyey hadana uu marayo meel alow sahal ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com