|

Kulamo Xal Lagu Raadinayo Oo Nickolas Kay La Yeeshay Hoggaanka Somalida Ee Iskhilaafsan

Muqdisho:Oct,27,2014(SDN/QJ)-Nickolas kayo o ah Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimahha Somalia, ayaa kulamo gaar  gaar ah la qaatay Madaxweynaha Somalia, kaas oo la xidhiidhay sidii meesha looga saari lahaa Khilaafka Hoggaanka dhex qaadaya.

marioNicholas Kay ayaa si dhaqso ah isagu dayay in go’aan cad laga gaadho khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha,balse waxaa la sheegay natiijada shirar inay noqdeen kuwa ay go’aamadooda ku madax adeygeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaruhu.

Ujeeddada kulamada uu madaxda dowladda Soomaaliya la qaatay,Nicholas waxaa lugu sheegay inay ahaayeen kuwo lugu doonayey xalinta khilaafka adag ee soo dhex-galay madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaarahiisa.

Ugu horreyn,Nicholas Kay ayaa xafiiskiisa ugu tagay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh.Cismaan Jawaari,waxaana la sheegay kulankooda inuu ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen kaas oo qaatay sacaado badan,iyadoo uu goobjoog ka ahaa kulanka Nuuradiin Diiriye oo ah la taliyaha danjire Kay.

Lama oga waxyaabaha ay kulankooda uga hadleen Jawaari iyo Kay,balse Warbaahinta ayaa helaysa warar hoose oo u xaqiijinaya in Nicholas Kay uu weydiistay Jawaari in khilaafka si hoos loo dhameeyo, isla markaana ay xal u raadin arrintan qayb ka noqoto beesha caalamka, balse Jawaari ayaa la sheegay inuu ku gacan-saydhay taas uuna u sheegay inay dowladdu si gaar ah u dhameynayso khilaafkan iyadoo aanay cid kale soo faragelin.

Sidoo kale,Nicolas Kay ayaa kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, inkastoo ay adag tahay in xog rasmi ah laga helo, hadana warar qaar ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaruhu ku adkeystay inuu xaq u leeyahay inuu Golihiisa Wasiirada isku shaandheeyo, taasna awood uu u siinayo Dastuurka.

Nicholas Kay ayaa ugu dambeyn galabta la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ay isla soo qaadeen go’aankii uu kaga soo hor-jeestay, waxaana Mr Kay uu u sheegay Madaxweynaha in khilaafka isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay curyaamin karto hey’adaha dowladda, caqabadna ay ku keeni karto geeddi socodka Hiigsiga cusub ee sanadka 2016 la doonayo in dalka doorasho uga dhacaan.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay in isaguna uu ku adkeysanayo go’aankii uu ku diiday isku-shaandheynta kooban ee golaha wasiirrada lagu sameeyay, sidoo kalena Xasan wuxuu sheegay inaanu diidayn in isku-shaandheyn lagu sameeyo xukuumadda laakiise uu qabo inay noqoto mid guud, isagoo tan hadda la sameeyay ku sheegay inay tahay mid aan u cuntami karin laguna beegsanayay xubno gaar ah oo golaha ka tirsan.

Kulamada ayaa ku soo aadaa xilli uu saxaafadda u sheegay guddoomiyaha baarlamaanka in si dhow oo dhib yar ay ku xalin doonan khilafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo muddo soo jiitamayay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed