|

Magacaabis Guddi dhex dhexaadin ah oo kala dhex gala Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha

Markii aan arkay isku shaandhayntii uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ee ku sameeyay qaar ka mida ah Golaha Wasiiradiisa, Markii aan arkay War saxaafadeedkii ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku diidan yahay Isku Shaandhaeynta Golaha Wasiirada ee uu sameeyay Ra’iisal Wasaaraha, Markii aan arkay in uu jiro Khilaaf Xoog ah oo muddo badan u soo socday.

Anigoo ku hadlaaya Magaca Shacbiga Soomaaliyeed Waxaan talo ahaan u soo jeedin laha Magacaabis Guddi dhex dhexaadin oo  kala dhex gala Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha arrimaha ay isku heystaan maxaa yeeley waa ceeb iyo fadeexo in arrintaan laga Aamuso, waxayna Sharaf dhac u tahay Ummadda Soomaaliyeed meel kaste ha jooggeen.
 
Guddiga dhex dhexaadinta Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha waxaan u doortay in ay noqdaan:
 
1- Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaarey
2- Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka  Mudane Jeylaani Iikar Nuur
3- Guddoomiye Ku xigeenka 2 aad ee Baarlamanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad
4- Ku Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Wasaaaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.
 
Waxan sidoo kale codsanaaya Madaweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha  in ay dulqaad iyo Samir yeeshaan iskana Iloobaan Khilaaf iyo Muran joogta ah.
 
Mahad Sanadiin,
 
Mr. Dahir Mohammed Sheikh
Email: mr.dahir@live.com
Nairobi Kenya

Comments are closed